Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho maanta  ku tijaabinaysa hub culus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku tijaabinaysa hub culus, sida lagu sheegay wargelin uu Taliska Ciidanka Booliska u diray shacabka ku dhaqan caasimadda. Tijaabada ayaa la qorsheeyay inay dhacdo inta u dhexeysa 2:00 iyo 3:00 galabnimo,…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
October 17, 2026, 5:42 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho maanta  ku tijaabinaysa hub culus
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku tijaabinaysa hub culus, sida lagu sheegay wargelin uu Taliska Ciidanka Booliska u diray shacabka ku dhaqan caasimadda. Tijaabada ayaa la qorsheeyay inay dhacdo inta u dhexeysa 2:00 iyo 3:00 galabnimo, iyadoo boolisku dadka ugu baaqay inay is dejiyaan marka ay maqlaan dhawaqa hubka.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in dhawaqa la maqli doono uu ka imaanayo tijaabada hubka, isla markaana uusan waxyeello u geysan doonin shacabka iyo hantidooda.

“Dhawaqa aad maqli doontaan maanta marka ay saacadu tahay 2:00 ilaa 3:00 galabnimo ma aha dhawaq wax u dhibaya muwaadiniinta naf iyo maalba,” ayuu yiri Macallin Mahdi, isaga oo farriin wargelin ah u diray dadka ku nool Muqdisho.

Taliyaha ayaa shacabka ka codsaday inay muujiyaan degganaansho iyo dulqaad inta ay socoto tijaabadu. Wargelinta ayaa ujeeddadeedu tahay in dadka laga sii wargeliyo dhawaqa hubka, si looga hortago cabsi ama jahawareer ka dhasha rasaasta iyo qaraxyada la maqli karo.

Tijaabooyinka hubka iyo tababarrada ciidamada ayaa mararka qaar ka dhaca xarumaha dowladda, balse wargelinta hore ayaa muhiim u ah shacabka, gaar ahaan marka dhawaqa hubku u ekaan karo mid la xiriira iska horimaad amni.

Farriinta booliska ayaa dhalisay falcelinno kala duwan oo baraha bulshada lagu baahiyay. Qaar ka mid ah dadka ayaa kaftan ka sameeyay waqtiga tijaabada, iyaga oo sheegay in habeenkii ay ka habboonaan lahayd maadaama dadka maalintii soo jeedaan, halka kuwo kale ay muujiyeen walaac ku saabsan dhawaqa hubka iyo saamaynta uu ku yeelan karo shacabka.

Qaar ka mid ah dadka falceliyay ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay ujeeddada tijaabada, halka kuwo kale ay hadallo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka ku xiriiriyeen. Si kastaba, boolisku wuxuu sheegay in tijaabadu aysan waxyeello u geysan doonin dadka iyo hantidooda.

Muqdisho ayaa sannadihii u dambeeyay martigelisay hawlgallo amni iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kala duwan. Wargelinta dowladda ayaa ku soo beegmaysa xilli shacabka caasimaddu ay u baahan yihiin xog cad oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo dhawaaqyada aan caadiga ahayn ee laga maqli karo magaalada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

4 hours ago
Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

5 hours ago
Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

6 hours ago
Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

6 hours ago
Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

6 hours ago
NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

6 hours ago
Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

1 day ago
Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.