Wararka24: Diyaarad ay leedahay shirkadda Flydubai oo ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa si lama filaan ah loogu weeciyay Sacuudi Carabiya, kadib markii la sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradda la tooreeyay.
Diyaaradda oo ka kacday Garoonka Caalamiga ah ee Dubai aroortii hore ee maanta ayaa qiyaastii laba saacadood kadib bilowgii safarka dirtay digniin degdeg ah. Xogta laga helay nidaamka la socodka duulimaadka ayaa sidoo kale muujisay in diyaaradda si kedis ah hoos loogu dhigay jooggeeda.

Dhab ahantii Maxaa ku dhacay duulimaadka?
Duulimaadka FZ1073 ayaa waday ku dhowaad 150 qof, kuwaas oo intooda badan la sheegay inay ahaayeen Israa’iiliyiin. Diyaaradda ayaa markii ay xaaladdu soo baxday ka leexatay jihadii ay ugu socotay Garoonka Ben-Gurion ee Tel Aviv, waxaana ugu dambeyn ay ku degtay Garoonka Diyaaradaha Tabuk ee waqooyi-galbeed Sacuudi Carabiya.
Diyaaradda oo muddo kooban ku jirtay hawada Urdun ayaa dib ugu laabatay hawada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay markii dambe bilowday hoos-u-degitaan toos ah. Wax ka yar hal saac kadib, diyaaradda ayaa mar kale dirtay calaamadda degdegga ah ee 7700, taasoo loo adeegsado xaaladaha degdegga ah ee duulimaadyada.
Warbixinno horudhac ah oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in mas’uuliyiin Israa’iili ah ay xaqiijiyeen inuu khilaaf ama dagaal dhex maray laba ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradda.
Warbaahinta Israa’iil oo faahfahin ka bixisay dhacdada
Warbaahinta Israa’iil ee Channel 12 iyo Channel 14 ayaa markii dambe soo xigtay sarkaal sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu mindi ku weeraray duuliyihii kale, balse la xakameeyay kahor inta aysan xaaladdu kasii darin.
Markii ay diyaaradda gaartay Tabuk, qaar ka mid ah rakaabka ayaa warbaahinta maxalliga ah uga warramay dhacdada oo sheegay in mindi lisu adeegsaday gudaha diyaaradda. Faahfaahinta dhacdada iyo sida ay u bilaabatay ayaa weli si buuxda loo caddeyn.
Kabtanka diyaaradda iyo sarkaalkii koowaad ayaa dhaawacmay, waxaana loo qaaday isbitaal si loo daweeyo, sida ay sheegtay shirkadda maamusha Garoonka Diyaaradaha Tabuk. Shirkaddu ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca dhaawacyada soo gaaray labada duuliye.
Dhanka kale, Flydubai ayaa xaqiijisay in dhammaan rakaabkii diyaaradda saarnaa ay badqabaan isla markaana baaritaanno lagu sameeyay kadib markii ay diyaaradda ka degtay Tabuk.
Rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa warbaahinta uga warramay dhacdo ay sheegeen inay cabsi weyn ku abuurtay intii ay hawada ku jireen sida aan ka soo xiganay warbahinta REUTERS. Yasmin Abukasis ayaa Reuters u sheegtay in gabadheeda oo diyaaradda saarnayd ay sheegtay in nin mindi watay uu ku weeraray mid ka mid ah duuliyeyaasha, iyadoo xustay in dhiig badan uu ka muuqday gudaha diyaaradda.
Qaar ka mid ah rakaabka oo ka waramay dhacdada
Abukasis oo ku sugnayd Garoonka Ben Gurion ayaa sheegtay in gabadheedu taleefan kula soo xiriirtay, iyadoo u sheegtay inay maqashay qaylo iyo qof codsanaya caawimaad. Sida ay sheegtay, laba duuliye oo kale ayaa markaas la wareegay maamulka diyaaradda, halka rakaabka ay isku dayeen inay xakameeyaan ninka mindida watay.
Waxay sidoo kale sheegtay in diyaaradda ay bilowday inay lumiso jooggeeda, taasoo keentay in rakaabku argagaxaan oo ay qayliyaan, iyagoo ka baqaya in diyaaradda ay burburayso.
Mid ka mid ah rakaabkii diyaaradda ayaa sidoo kale warbaahinta Israa’iil uga warramay xaaladdii ay la kulmeen, isagoo sheegay in dadku si gaar ah uga walaaceen markii ay ogaadeen in diyaaradda ay hoos u dhacayso.
Rakaabka ayaa sidoo kale sheegay in gudaha diyaaradda ay ku jireen dad dharkoodu wada dhiig yahay. Inkastoo ay dhacdadu cabsi badan lahayd, rakaabku waxay sheegeen in markii dambe ay xaaladdu degtay, ayna doonayeen oo keliya inay si nabad ah guryahooda ugu laabtaan.










