Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Culimada Soomaaliyeed oo Ku Baaqay Wada Hadal u Dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari

Wafdi culimo Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Waqooyi Bari inay dardargeliyaan wada-hadallada nabadeed si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac, isla markaana looga…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 22, 2026, 4:55 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Culimada Soomaaliyeed oo Ku Baaqay Wada Hadal u Dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari
Share

Wararka24: Wafdi culimo Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Waqooyi Bari inay dardargeliyaan wada-hadallada nabadeed si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac, isla markaana looga shaqeeyo sii deynta maxaabiista ku kala xiran Laascaanood iyo Hargeysa.

War-saxaafadeed ay culimadu kasoo saareen magaalada Laascaanood ayay ku sheegeen inay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ay kala hadleen dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon xallinta khilaafaadka jira.

Culimadu waxay sheegeen in Madaxweynaha Waqooyi Bari uu u caddeeyay inay diyaar u yihiin nabad iyo wada hadal ay la yeeshaan Somaliland, isla markaana ay soo dhoweynayaan dadaal kasta oo horseedi kara heshiis waara iyo is-afgarad.

Wafdigu wuxuu sidoo kale booqday qaar ka mid ah maxaabiista kasoo jeeda Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood. Waxay sheegeen inay la kulmeen saraakiil ka mid ah maxaabiista, isla markaana ay ku dhiirrigeliyeen rajada laga qabo in xal laga gaaro xaaladdooda.

Culimadu waxay xuseen inay bilaabeen dadaallo lagu fududeynayo is-weydaarsiga ama sii deynta maxaabiista labada dhinac ku kala xiran, iyagoo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed uusan sabab u noqon karin in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay muddo dheer ku sii jiraan xabsi.

Waxay sidoo kale shaaciyeen inay qorsheynayaan safar ay ku tagayaan magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda Somaliland si ay u sii wadaan dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Ugu dambeyn, culimadu waxay ugu baaqeen madaxda siyaasadda, isimada dhaqanka, culimada, ciidamada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan wada hadalka, is-afgaradka iyo nabadda. Waxay adkeeyeen in xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka lagu gaari karo oo keliya wada xaajood, isu tanaasul iyo iskaashi dhex mara dhammaan dhinacyada.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.