• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM oo la wareegay degmada Awdheegle.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidanka Xoogga Dalka
Share

Awdheegle (Wararka24) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ay maanta dib ula wareegeen gacan ku haynta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamadu gudaha u galeen degmada, isla markaana ay halkaasi ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ciidamada ay sidoo kale fuliyeen miino baaris degmada iyo deegaannada ku xeeran, si loo xaqiijiyo ammaanka shacabka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga (MOD), Abuukar Macalin Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo Militariga Uganda ee ka tirsan AUSSOM ay gacanta buuxda ku hayaan degmada Awdheegle. 

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynaynaa in maanta ay gacanta ku jirto degmada Awdheegle iyo tuulooyinka hoos yimaada. Ciidanku waxay hubiyeen in degmada iyo hareeraheeda ay ammaan yihiin,” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo saaxiibadood, si loo xoojiyo ammaanka iyo nabadgelyada deegaanka.

Afhayeenka wasaaradda ayaa sheegay inaan wax dagaal ahi ka dhicin degmada intii ay ciidamada gudaha u galeen, hase yeeshee ma cadda halka ay aadeen maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa.

Tani ayaa ah markii ugu horreysay ee ciidamada dowladda iyo AUSSOM ay dib ula wareegaan degmada Awdheegle tan iyo 15-kii bishii March ee sanadkan, markaas oo ay lumiyeen gacan ku haynteeda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.