Wararka24: Bilyaneerka reer Nigeria Aliko Dangote iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhagax-dhigay mashruuc lagu dhisayo warshad sifeynta shidaalka ah oo ku kacaysa $16 bilyan, taas oo laga hirgelinayo deegaanka Lamu ee xeebta waqooyi ee Kenya.
Warshadda ayaa yeelan doonta awood ay ku sifeyso ilaa 700,000 oo foosto oo saliid cayriin ah maalintii, waxaana la qorsheeyay in la dhammeystiro sanadka 2030. Mashruuca ayaa la filayaa inuu soo saaro shidaal ay kamid yihiin naaftada, baatroolka iyo shidaalka diyaaradaha, iyadoo ay adeegsan donan Kenya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika.
Dangote ayaa sheegay in dowladaha gobolka loo bandhigay inay si wadajir ah u yeeshaan saami dhan 30 boqolkiiba warshadda. Kenya iyo Rwanda ayaa kamid ah dowladaha muujiyay daneyn ku aaddan maalgelinta mashruuca, iyadoo Dangote uu sheegay in lacagta saami-qaybsiga la bixin karo muddo afar sano ah.
Xafladda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay madaxda Kenya, Itoobiya, Uganda, Benin iyo Togo. Ruto ayaa sheegay in mashruucu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga tamarta, warshadeynta iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka.
Mashruuca Warshadda oo wajahaya dacwad la xiriirta dhulka iyo deegaanka
Mashruuca ayaa sidoo kale wajahaya walaacyo la xiriira dhulka iyo deegaanka. Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo kooxaha ilaalinta deegaanka ayaa dacwad ka gudbiyay dhismaha, iyagoo ka cabanaya saameynta uu ku yeelan karo deegaanka Lamu iyo xuquuqda dhulka. Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa amartay in la ilaaliyo qaybo kamid ah goobta inta dacwadda laga dhageysanayo.
Dangote ayaa difaacay mashruuca, wuxuuna sheegay in shirkaddu ay diyaar u tahay inay sii waddo dhismaha inkastoo ay jiraan caqabado sharci iyo walaacyo laga qabo saameynta deegaanka. Shirkaddu waxay sheegtay in mashruucu yahay maalgelin muddo dheer ah oo loogu talagalay suuqa shidaalka ee Bariga Afrika.
Warshadda oo yeelan doonta koronto awooddeedu tahay 1,000 megawatt
Warshadda ayaa sidoo kale yeelan doonta xarun koronto oo awooddeedu tahay 1,000 megawatt. Dangote wuxuu sheegay in korontadaas ay taageeri doonto hawlaha warshadda iyo mashaariicda kale ee warshadaha ee laga filayo inay ka hirgalaan deegaanka Lamu.
Mashruuca ayaa noqonaya maalgashigii ugu weynaa ee Dangote uu ka sameeyo meel ka baxsan Nigeria, halka warshaddiisa weyn ee Lagos ay sidoo kale leedahay awood sifeyn oo ah 700,000 oo foosto maalintii. Shirkadda ayaa sheegtay in warshadda Lamu ay ka caawin karto gobolka dhimista ku-tiirsanaanta shidaalka la soo dejiyo iyo kordhinta awoodda gudaha ee sifeynta.
















