Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu ka bilaabay kulamo muhiim ah. Madaxweynuhu ayaa la kulmay Sheikh Mohammed Bin Rashi Al-Maktoum, oo ah madaxweynaha ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha UAE, iyo sidoo kale Amiirka Dubai.

Cirro ayaa sidoo kale la kulmay Sheikh Mansour Bin Zayed Bin Sultan Al-Nahyan, oo ah wasiirka arrimaha madaxtooyada ee UAE. Madaxweynaha Somaliland oo kulamo ka wado Dubai ayaa madaxda UAE uga wada hadlay arrimo door ah oo muhiimad iyo mudnaan u leh labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhaqaalaha, maal-gashiga, iyo xasiloonida mandaqadda.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin:
- Taageerada dhaqaalaha ee Somaliland.
- Iskaashiga amniga, gaar ahaan xasiloonida marinka biyaha iyo badda Cas.
- Fursadaha maalgashiga ee Somaliland.
“Madaxweynuhu waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta kala hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha amniga,” ayuu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland oo kulamo ka wado Dubai ayaa sidoo kale ugu mahad-naqay dowladda UAE marti-qaadka rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey.
Cirro ayaa ka qeyb-galay shirka caalamiga ah ee kulanka dawladdaha caalamka, halkaas oo uu ku iibgeynayo ictiraaf raadinta Somaliland iyo fursadaha maalgashiga ee dalka…
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro ayaa la sheegay inuu Brazil uga baxay Mareykanka kaddib guuldarradii doorashada, Washington-na fiise ayay siinaysaa.
Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil ayaa u muuqata mid aan cidna ku guuleysan, iyadoo garabka Netanyahu iyo kan Eisenkot ay isku dhow yihiin.
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney, wiilka Wayne Rooney, ayaa afar gool u dhaliyay Manchester United U18 oo Talaadadii 6-0 ku garaacday Burnley.












