Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Nin wiilkiisa oo 10 jir ah ku dilay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland

Dhacdo murugo leh ayaa xalay ka dhacday xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, kaddib markii nin la sheegay in uu qabay xanuunada maskaxda uu dilay wiilkiisa oo 10 jir ahaa. Dhacdada ayaa la sheegay inay dhacday abaare 9:30-kii…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 19, 2026, 4:26 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Nin wiilkiisa oo 10 jir ah ku dilay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dhacdo murugo leh ayaa xalay ka dhacday xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, kaddib markii nin la sheegay in uu qabay xanuunada maskaxda uu dilay wiilkiisa oo 10 jir ahaa. Dhacdada ayaa la sheegay inay dhacday abaare 9:30-kii habeenimo, iyadoo ciidamada ammaanka ay markii dambe goobta gaareen.

Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah, waxaa jiray muran dhex maray aabbaha iyo wiilka, kaddibna aabbaha ayaa la sheegay inuu wiilka daba galay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladdu ay markii dambe isu beddeshay dhacdo sababtay geerida wiilka.

Farxiyo, oo ka mid ehed dadka goobta ku sugnaa, ayaa MMTV u sheegtay inay aragtay aabbaha oo wiilka u yeeraya, balse wiilku uu cararay. Waxay sheegtay in markii dambe aabbuhu uu qabtay wiilka, asagoo jir dilay ilaa uu ka dhinta.

Goobjooguhu waxay sheegtay inay qaylisay markii ay aragtay xaaladda, isla markaana ay isku dayday in gargaar loo raadiyo. Sida ay sheegtay, dadka xaafadda ayaa markii dambe maydka wiilka daboolay, waxaana lala xiriiray ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta yimid, waxaana la sheegay inay la wareegeen kiiska. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka oo si faahfaahsan uga hadlay dhacdada iyo tallaabada laga qaaday ninka loo haysto dilka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ninka loo haysto dilka loo sheegay inuu la noolaa xaalad caafimaad oo dhanka maskaxda ah. Hase yeeshee, xaaladdiisa caafimaad si madax-bannaan looma xaqiijin, mana habboona in arrintaas loo qaato xaqiiqo rasmi ah ilaa ay hay’adaha caafimaadka ama dowladda caddeeyaan.

Farxiyo ayaa sheegtay inay muddo ku dhow 11 bilood deris la ahayd qoyska, ayna hore u arki jirtay aabbaha oo carruurtiisa si wanaagsan ula dhaqmaya. Waxay tilmaantay in dhacdada ay naxdin weyn ku noqotay dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa walaac ka dhalisay xaafadda Maxamed Mooge, iyadoo bulshada deegaanka ay sugayaan natiijada baaritaanka ciidamada ammaanka. Sidoo kale, weli lama oga xaaladda ninka loo haysto dilka iyo tallaabada sharci ee laga qaadi doono.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

2 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.