• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, June 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka Soomaaliya Warbixinta Toddobaadlaha + Faahfaahin

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
1 year ago
Reading Time: 7 mins read
Soomaaliya

Wararka Ugu Aqrintabadan

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

12 hours ago
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

12 hours ago
Load More
Share

Wararka24: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ah Sabti, 22-ka Maarso, 2025 la shaaciyey

  1. Madaxweynaha Soomaaliya oo ku guda jira hoggaaminta dagaalka Hirshabelle
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guda jira hoggaaminta dagaalka Hirshabelle looga sifeynayo Khawaarijta, isagoo gaaray Degmada Cadale.
  2. Kulan Madaxweynaha iyo Wasiiru-Dowlaha Imaaraadka
    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.
  3. Kormeerka jiidaha hore
    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay jiidaha hore ee degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori, halkaas oo uu ka wareystay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
  4. Xoojinta weerarada cirka
    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay hoggaanka hawlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlay xoojinta weerarada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
  5. Xilka laga qaaday La-taliyaha Madaxweynaha
    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone), oo ka mid ahaa La-taliyeyaasha madaxtooyada.
  6. Kulan deg-deg ah oo amniga ku saabsan
    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyay kulan deg-deg ah oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
  7. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga
    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
  8. Dardargelinta doorashooyinka
    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka.
  9. Tacsi ka dib geerida Cabdullaahi Jaamac Barre
    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Jaamac Barre (Cascasey).
  10. Qorshaha Isbeddelka Qaranka
    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).
  11. Isku shaandheyn golaha wasiirada
    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada.
  12. Wareejinta xilka wasiirka Ganacsiga
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmad Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Wasiirkii hore, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
  13. Wacyigalinta doorashooyinka
    Wasaaradda Warfaafinta iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa ka wada hadlay wacyigalinta doorashooyinka.
  14. Iskaashiga Serbiya
    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbiya, Marko Djuric, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal.
  15. Ciidanka Booliiska oo ku biiray dagaalka
    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa Muqdisho ka sagootiyey ciidamo booliiska ka tirsan oo ku biiraya furimaha dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.
  16. Hawlgal cirka ah oo Jilib lagu qaaday
    Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ballaaran oo dhanka cirka ah ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
  17. NISA oo shaacisay guulo
    Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in hawlgalo laga fuliyay degaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.
  18. Ciidanka Asluubta oo ku biiray dagaalka
    Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa ku biiray jiidaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.
  19. Weerar cirka ah oo Jilib lagu qaaday
    Ciidammada Xoogga Dalka Soomaliya ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ah oo laga fuliyay degmada Jilib lagu dilay 120 ka tirsan Khawaarijta, sidoo kalana lagu burburiyey labo xarun oo ay ku sameyn jireen tababarada, qaraxyada iyo guriga horjooge Xasan Yacquub.
  20. Hawlgal cirka ah oo Ceelbuur lagu qaaday
    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal dhanka cirka ah ka fuliyay Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, ku dilay 9 horjooge iyo maleeshiyaadkii la socday oo ka tirsan Khawaarijta.
  21. Duqeymo xooggan oo Jilib lagu qaaday
    Duqeymo xooggan oo mar kale lagu qaadey degmada Jilib 21 Maarso, halkaasina khasaare ballaaran loogu geystey xubnaha sare ee Khawaarijta.
  22. Hawlgal duqeyn ah oo Shabeellaha Dhexe lagu qaaday
    Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hirshabelle.
  23. Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga
    Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyas Cali Xasan, ayaa dalka Zimbabwe uga qeybgalay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga dalalkan xubnaha ka ah urur goboleedyada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) iyo Afrikada Koonfureed (SADC).
  24. Dood cilmiyeed oo ku saabsan Golaha Ammaanka QM
    Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qabtey dood cilmiyeed cinwaankeedu ahaay “Muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya mar kale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay”.
  25. Baaq shacabka loogu diray
    Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan yihiin Khawaarijta, kuwaas oo awoodooda sii wiiqmeyso.
  26. Nidaamka casriga ah ee shaqooyinka
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si rasmi ah u daah-furay nidaamka casriga ah ee isku xiraya loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.
  27. Gargaarka Jalalaqsi
    Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la gaarsiiyay gargaar xoog leh.
  28. Weerar ku qaaday Khawaarijta
    Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Laba-Garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
  29. Abaalmarinno loo guddoonsiiyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka
    Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay xubnihii ka shaqeeyey diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029.
  30. Hawlgal milatari oo Sumadaale lagu qaaday
    Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal milatari ku beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
  31. Gargaarka Xaaji Cali
    Hay’adda SoDMA ayaa deegaanka Xaaji Cali gaarsiisay 10 gaari oo siday shixnado gargaar ah oo loogu talagalay shacabkii Khawaarijta ka soo barakicisay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
  32. Taageerada dhallinyarada
    Dhallinyarada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan lagu taageerayay Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
  33. Shirka yareynta abaarta
    Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daah-furay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.
  34. Hawlgalo milatari oo Galgaduud lagu qaaday
    Ciidamada Qalabka Sida ayaa hawlgalo milatari oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ku teedsan Sinadhaqo, Labi-Dulle, iyo Dhabanna Dhulkuheys ee gobolka Galgaduud.
  35. Gargaarka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
    Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo loogu talagaley in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.
  36. Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah
    Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalaya Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (UNCTAD), kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
  37. Kaarka aqoonsiga dadweynaha
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in kaarka aqoonsiga dadweynaha uu yahay xaq muwaadinka leeyahay.
  38. Hawlgal qorshaysan oo Gal-haruur lagu qaaday
    Hawlgal qorshaysan oo ciidamo ka tirsan macawiisleyda gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka fuliyeen deegaanka Gal-haruur oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa lagu dilay labo dhagarqabe oo Khawaarij ah, iyadoo laga soo furtay labo qori AK-47 ah iyo mooto Fekon ay wateen.
  39. NISA oo gacanta ku soo dhigay dhagar-qabayaal
    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyed (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabayaal doonayay in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.
Soomaaliya
Soomaaliya
Soomaaliya
Soomaaliya
Soomaaliya

Dhamaadka Warbixinta Toddobaadlaha ee manta Dowladda Federaalka Soomaaliya shacisay

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: wararka mantawararka somalia
Previous Post

Wararka24: Weerarrada Al-Shabaab iyo daldaloolada amniga Soomaaliya

Next Post

Farmaajo oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan doorashada 2026

Related Posts

Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

by Amin Cali Abdi
12 hours ago

Wararka24: Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gobolka, kadib duqaymo uu...

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

by Amin Cali Abdi
12 hours ago

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay agaasimihii hore...

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

by Amin Cali Abdi
12 hours ago

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad...

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

by Amin Cali Abdi
12 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi heer wasiir ah u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,...

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

by Amin Cali Abdi
17 hours ago

Wararka24: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa magacaabay Maxamed Yahya inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

by Amin Cali Abdi
17 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay fuliyeen duqeymo...

Load More
Next Post
Farmaajo

Farmaajo oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan doorashada 2026

Qarax Xoogan

War DegDeh ah: Qarax Xoogan oo manta ka dhacay Muqdisho + faahfaahin

koonfurta Lubnaan Israa’iil ayaa sheegtay i

koonfurta Lubnaan Israa’iil ayaa sheegtay in gantaallo laga soo tuuray + faahfaahin

Recommended

Mudane Sheekh Aadan Madoobe

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Gaaray Algeria si uu uga Qeyb Galo Shir muhiim ah?

1 year ago
Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta ee Kenya

Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta ee Kenya

4 months ago
dekadaha Muqdisho

Dekadaha Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika?

9 months ago
Wasiir Jaamac oo jawaab kulul ka bixiyay hadalladii Lafta-gareen

Wasiir Jaamac oo jawaab kulul ka bixiyay hadalladii Lafta-gareen

3 months ago
Khatumo

Shirka Dhismaha Maamulka Khatumo Oo Maalintii 2aad Ka Socda Laascaanood

12 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu Baaqay Doorasho Lagu Heshiiyo

Xisbiga Himilo Qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu Baaqay Doorasho Lagu Heshiiyo

4 months ago
Kheyre iyo Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh u diray digniin culus

Kheyre iyo Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh u diray digniin culus

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.