Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruuca daabacaadda iyo hirgelinta lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga uu marayo marxalad gabagabo ah, kaddib sannado badan oo lagu diyaarinayay dhinacyada sharciyeynta, siyaasadda lacagta, qorsheynta farsamo iyo maalgelinta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay horumar la taaban karo ka gaartay dejinta siyaasadda lacagta, dib-u-eegista shuruucda Bangiga Dhexe, diyaarinta qorshayaasha farsamo iyo saadka, iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha lagu hirgelinayo mashruuca. Wuxuu xusay in qorshaha rasmiga ah ee fulinta la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo dhammaan diyaar-garowga.
Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cali Yaasiin, ayaa sheegay in diyaarinta lacagta cusub ay socotay ku dhowaad siddeed sano. Wuxuu tilmaamay in hirgelinta lacagta cusub ee dalka oo dhan ay u baahan doonto in ka badan $70 milyan, si loogu daboolo kharashaadka daabacaadda lacagta, dib-u-furista laamaha Bangiga Dhexe, gaadiidka lagu qaybinayo lacagta iyo dhismaha nidaamyo amni oo lagu kaydiyo laguna qaybiyo.
Cali Yaasiin ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn aysan ahayn daabacaadda lacagta cusub, balse ay tahay sidii si ammaan ah loogu qaybin lahaa guud ahaan dalka, maadaama Soomaaliya ay muddo ku dhow soddon sano ka maqnayd shabakad Bangi Dhexe oo si buuxda u shaqeysa.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in bangigu muddo dheer ka shaqeynayay mashruucan, isagoo xusay in jadwalka rasmiga ah ee lagu soo saarayo lacagta cusub la shaacin doono marka la dhammaystiro shuruudaha farsamo iyo howlgal ee harsan.
Mas’uuliyiintan ayaa hadalladan ka jeediyay Shirweynaha Afraad ee Siyaasadda Dhaqaalaha ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxay sheegeen in mashruuca lacagta cusub looga gol leeyahay xoojinta nidaamka lacagta dalka, kor u qaadista xasilloonida maaliyadeed iyo dardargelinta casriyeynta hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ma shaacin taariikh rasmi ah oo la bilaabayo isticmaalka lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga.















