• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo Ku Dhowaad 150 Maleeshiyaad ah oo Isu Soo Dhiibay Dowladda

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo Ku Dhowaad 150 Maleeshiyaad ah oo Isu Soo Dhiibay Dowladda
Share

Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ibraahim Kalaay, oo ay ku tilmaantay guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
‎
‎Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxda isu soo dhiibtay ay ciidamada ku wareejiyeen hub iyo gaadiid dagaal, kaddib markii ay ka tanaasuleen dhaq-dhaqaaqyadoodii hubeysnaa. Wasaaraddu waxay sheegtay in maleeshiyaadkan ay hore uga tirsanaayeen koox uu hoggaaminayo Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo, sida ay sheegtay, maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka waday deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.
‎
‎Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaadka la socday ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay ciidamada dowladda, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta deegaannada ay saameeyeen colaadaha.
‎
‎Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay inay socdaan dadaallo lagu dhiirrigelinayo maleeshiyaad kale inay hubka dhigaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda, si ay uga qeyb qaataan dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta deegaannada Koonfur Galbeed.
‎
‎Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday xubnaha weli ku jira kooxaha hubeysan inay ka faa’iideystaan fursadda dib ugu soo laabashada bulshada, iyadoo adkeysay in dowladda aysan aqbali doonin hub sharci darro ah oo lagu carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.