Wararka24: Wafdi culimo Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Waqooyi Bari inay dardargeliyaan wada-hadallada nabadeed si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac, isla markaana looga shaqeeyo sii deynta maxaabiista ku kala xiran Laascaanood iyo Hargeysa.
War-saxaafadeed ay culimadu kasoo saareen magaalada Laascaanood ayay ku sheegeen inay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ay kala hadleen dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon xallinta khilaafaadka jira.
Culimadu waxay sheegeen in Madaxweynaha Waqooyi Bari uu u caddeeyay inay diyaar u yihiin nabad iyo wada hadal ay la yeeshaan Somaliland, isla markaana ay soo dhoweynayaan dadaal kasta oo horseedi kara heshiis waara iyo is-afgarad.
Wafdigu wuxuu sidoo kale booqday qaar ka mid ah maxaabiista kasoo jeeda Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood. Waxay sheegeen inay la kulmeen saraakiil ka mid ah maxaabiista, isla markaana ay ku dhiirrigeliyeen rajada laga qabo in xal laga gaaro xaaladdooda.
Culimadu waxay xuseen inay bilaabeen dadaallo lagu fududeynayo is-weydaarsiga ama sii deynta maxaabiista labada dhinac ku kala xiran, iyagoo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed uusan sabab u noqon karin in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay muddo dheer ku sii jiraan xabsi.
Waxay sidoo kale shaaciyeen inay qorsheynayaan safar ay ku tagayaan magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda Somaliland si ay u sii wadaan dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta.
Ugu dambeyn, culimadu waxay ugu baaqeen madaxda siyaasadda, isimada dhaqanka, culimada, ciidamada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan wada hadalka, is-afgaradka iyo nabadda. Waxay adkeeyeen in xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka lagu gaari karo oo keliya wada xaajood, isu tanaasul iyo iskaashi dhex mara dhammaan dhinacyada.















