Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Somaliland oo si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Fahiima Quuje

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay go'aanka Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje), oo hore uga tirsanaan jirtay Baarlamaanka Waqooyi Bari, kadib markii ay ku dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn, isla markaana ay sheegtay inay ku…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 18, 2026, 3:44 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Somaliland oo si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Fahiima Quuje
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje), oo hore uga tirsanaan jirtay Baarlamaanka Waqooyi Bari, kadib markii ay ku dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn, isla markaana ay sheegtay inay ku biirtay qaddiyadda Somaliland.

Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik, ayaa sheegay in Fahiima Quuje ay qaadatay go’aan ay si madax-bannaan u gaartay, isagoo tilmaamay inay dib ugu soo laabatay Somaliland. Wasiirku wuxuu ku sifeeyay Fahiima siyaasi miisaan leh, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inay dib ula midowdo dadkeeda iyo deegaannada Somaliland.

“Waxa kusoo oodantay siyaasaddii ay ku jirtay, waxayna doonaysaa siyaasad ballaadhan. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay Somaliland kusoo guryo noqoto, oo ay dadkeedii iyo dalkeedii la midowdo. Waxay qaaday tallaabo aad u weyn,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdimaalik.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaan cidna lagu khasbin go’aanka ay Fahiima qaadatay, balse uu yahay mid ka dhashay wadatashi iyo go’aan ay iyadu iskeed u gaartay. Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay soo dhaweynayso cid kasta oo dooneysa inay ku soo biirto, isagoo xusay in xaaladda amni ee deegaannada bariga ay tahay mid deggan.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay dhowaan soo dhaweysay siyaasiyiin iyo cuqaal ka yimid magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu sheegay inay ku biireen dhinaca Somaliland.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli Xeer Ilaalinta Waqooyi Bari ay baarlamaanka maamulkaas ka codsatay in xasaanadda laga qaado Fahiima Quuje si baaritaan loogu sameeyo eedo la xiriira hadalladeeda siyaasadeed.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay inay ku sugan tahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo hore u shaacisay inay u sii gudbi doonto magaalada Hargeysa.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

6 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.