Wararka24: Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo ka mid ahayd xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah isaga casishay xilkii iyo xubinnimadii ay ka haysay baarlamaanka.
Qoraal ay soo saartay ayay ku sheegtay inay ka tagtay kursigii ay beesheeda ku meteleysay Baarlamaanka Waqooyi Bari, iyadoo caddeysay in go’aankaasi uu yahay mid ay si qoto dheer uga fiirsatay.
Fahiima Quuje ayaa sidoo kale shaacisay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn, isla markaana ay dib ugu laabatay waxa ay ku tilmaantay “qarankeedii Somaliland”. Waxay intaas ku dartay inay maalmaha soo socda bulshada la wadaagi doonto faahfaahinta sababaha ku kalifay go’aankan.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan su’aalaha la xiriira isbeddelka ku yimid mowqifkeedii siyaasadeed, maadaama ay hore uga mid ahayd siyaasiyiinta ka tirsan Baarlamaanka Waqooyi Bari.
Fahiima Quuje ayaa hore loogu xusuustay kaalintii ay ku lahayd xilligii dagaalkii Goojacadde, oo ahaa dagaal sababay in ciidamada Somaliland laga saaro gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in Fahiima Quuje ay ku wajahan tahay magaalada Hargeysa, halkaas oo la filayo in si rasmi ah loogu soo dhaweeyo, iyadoo dib ugu biireysa maamulka Somaliland.



















