• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

JD Vance oo qirtay inay ku fashilmay sida loola tacaali lahaa kiiska Jeffrey Epstein

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
JD Vance oo qirtay inay ku fashilmay sida loola tacaali lahaa kiiska Jeffrey Epstein
Share

Wararka24: Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa qiray in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku fashilmay qaabkii uu ula tacaalay baahinta dukumentiyada la xiriira kiiska Jeffrey Epstein, isagoo sheegay in khaladka ugu weyn uu ahaa dhanka isgaarsiinta.

Vance, oo wareysi siiyay barnaamijka Joe Rogan, ayaa sheegay in maamulka uu u arkayay inay habboonayd in dhammaan dukumentiyada la sii daayo hal mar, halkii dib-u-dhacyo iyo sii deyn qaybo-qaybo ah ay dhici lahaayeen. Wuxuu xusay in qaabka loo maareeyay arrintan uu horseeday jahwareer iyo dhaleeceyn.

“Runtii waxaan ku fashilannay dhanka isgaarsiinta ee faylasha Epstein. Taasi waa run,” ayuu yiri Vance. Wuxuu intaas ku daray inuusan aaminsanayn in dib-u-dhacyadaasi ay ka dhasheen isku day lagu qarinayay xog.

Kiiska Jeffrey Epstein ayaa mar kale noqday arrin si weyn looga dooday Mareykanka, kadib markii dib loo dhigay sii deynta dukumentiyo la xiriira baaritaannadii lagu sameeyay ganacsadihii geeriyooday ee lagu helay dambiyada la xiriira ka ganacsiga iyo tacaddiyada galmada.

Baahinta dukumentiyada ayaa timid kadib markii xubno ka tirsan Kongareeska Mareykanka ay ansixiyeen tallaabo ku khasbeysa dowladda inay soo bandhigto faylal badan oo la xiriira kiiska. Wasaaradda Cadaaladda ayaa billowday sii deyntooda bishii Diseembar, hase yeeshee dukumentiyo badan ayaa ahaa kuwo si weyn loo tafatiray.

Dib-u-dhacyada iyo xogaha ka maqnaa dukumentiyada la sii daayay ayaa dhaliyay dhaleeceyn uga timid siyaasiyiin iyo shacabka Mareykanka, kuwaas oo dalbaday in si buuxda loo soo bandhigo dhammaan xogaha la xiriira kiiska Epstein.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.