Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo fulisay xukun qisaas ah oo lagu riday ninkii dilay taliye Guleed Kadleeye

Maamulka Puntland ayaa saaka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ka fuliyay xukun qisaas ah oo lagu riday Ibraahim Kooshin, kaas oo lagu helay dilka Allaha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Jariiban, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 17, 2026, 11:45 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo fulisay xukun qisaas ah oo lagu riday ninkii dilay taliye Guleed Kadleeye
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa saaka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ka fuliyay xukun qisaas ah oo lagu riday Ibraahim Kooshin, kaas oo lagu helay dilka Allaha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Jariiban, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.

Xukunka ayaa la fuliyay kaddib markii uu soo maray heerarkii kala duwanaa ee garsoorka, iyadoo la sheegay in qoysaska marxuumka iyo eedeysanaha ay isku afgarteen fulinta qisaasta sida uu dhigayo sharciga.

Ibraahim Kooshin ayaa ciidamada ammaanku qabteen saacado yar kaddib dilka taliyaha. Baaritaanno iyo dacwad maxkamadeed kaddib, maxkamadaha Puntland ayaa ku xukumay dil qisaas ah, kaas oo maanta si rasmi ah looga fuliyay degmada Jariiban.

Qoyska marxuum Guuleed Kadleeye ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin caddaaladda lagu maareeyay kiiska, iyagoo xusay in fulinta xukunku ay ka qeyb qaadaneyso xaqiijinta caddaaladda iyo ka hortagga falalka dilalka ah. Waxay sidoo kale ugu baaqeen hay’adaha ammaanka iyo garsoorka in si degdeg ah sharciga loo horkeeno cid kasta oo lagu eedeeyo dambiyo culus.

Waxay sidoo kale u mahadceliyeen ciidamada ammaanka Puntland oo si dhaqso ah u qabtay eedeysanaha, inkastoo la sheegay inuu isku dayay inuu baxsado markii uu falka geystay.

Marxuum Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye ayaa ka mid ahaa saraakiishii tababarka ku soo qaatay dalka Turkiga, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu ka shaqeynayay sugidda amniga degmada Jariiban iyo la dagaallanka hubka sharci darrada ah.

Fulinta xukunkan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay sheegtay inay sii xoojinayso tallaabooyinka lagula dagaallamayo dambiyada culus, iyadoo mas’uuliyiinta ammaanku ay ku celceliyeen in cid kasta oo ku lug yeelata falal amni-darro ah la horgeyn doono caddaaladda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

7 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.