Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Weerar madaafiic ku billowday oo ka dhacay Baydhaba

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ku billowday madaafiic, kadibna isu beddelay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 16, 2026, 5:41 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Weerar madaafiic ku billowday oo ka dhacay Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ku billowday madaafiic, kadibna isu beddelay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, weerarka ayaa saqdii dhexe laga soo qaaday dhanka waqooyi ee magaalada, waxaana lagu beegsaday saldhig ay ciidamada Gorgor iyo Booliska Militariga ku leeyihiin xaafadda Alfaras ee laanta Horseed.

Dagaalka ayaa socday ku dhowaad hal saac, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadku sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Sidoo kale, ilo caafimaad ayaa sheegay in dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ay ku dhaawacmeen dagaalka, isla markaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Baydhaba si loogu dabiibo dhaawacyadooda.

Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan, hase yeeshee weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Koonfur Galbeed oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay isku abaabulayeen deegaanno ku dhow Baydhaba, halkaas oo ay marar kala duwan kasoo qaadeen weerarro iyo falal amni darro, kuwaas oo sida la sheegay ay ka hortageen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan magaalada Baydhaba lagu caleema saaray hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada maamulkaasi.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

6 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.