Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Ceel Dheer ugu dhawaaqday musharraxnimadeeda kursiga…

Makko Maxamuud Muuse Cadde, oo loo yaqaan Makko Cafiif, ahna xaaska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa magaalada Ceel Dheer ku dhawaaqday inay u taagan tahay kursi ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 9, 2026, 4:10 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Ceel Dheer ugu dhawaaqday musharraxnimadeeda kursiga…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Makko Maxamuud Muuse Cadde, oo loo yaqaan Makko Cafiif, ahna xaaska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa magaalada Ceel Dheer ku dhawaaqday inay u taagan tahay kursi ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Makko Cafiif ayaa sheegtay inay u tartameyso kursiga deegaan-doorashadiisu tahay Ceel Dheer, kaas oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Cajiib. Waxay sheegtay inay u taagan tahay inay metesho bulshada deegaanka, isla markaana aysan kala sooc u sameyn doonin beelaha wada dega deegaankaas.

“Waxba idinkama qarinayo, waxaan ahay murashax xildhibaan. Deegaankan Ceel Dheer ayaan wax ku leeyahay. Beesha Wacaysle ee dhalashadaydu tahay kalama saaro; hebel waaye iyo hebel kalama aqaan,” ayay tiri Makko Cafiif intii ay ku guda jirtay munaasabad ay ka hadleysay.

Ku dhawaaqista musharraxnimadeeda ayaa kusoo aadeysa xilli wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Diyaano, ay booqasho ku tageen degmada Ceel Dheer. Wararka ayaa tilmaamaya in socdaalkaasi uu barbar socday kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhacay deegaanka.

Kursiga ay Makko Cafiif u tartameyso waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo sidoo kale haya xilka Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Xildhibaanka ayaa sidoo kale ah guddoomiya Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Cod-bixinta ee Golaha Shacabka.

Ku dhawaaqista musharraxnimada Makko Cafiif ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo isu diyaarinta doorashooyinka soo socda ay ka socdaan qaybo kala duwan oo dalka ah. Ilaa hadda, Xildhibaan Maxamed Cajiib kama uusan hadlin musharraxnimada cusub iyo haddii uu mar kale u tartami doono kursiga uu hadda ku fadhiyo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

4 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

4 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

24 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.