• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Ceel Dheer ugu dhawaaqday musharraxnimadeeda kursiga…

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Ceel Dheer ugu dhawaaqday musharraxnimadeeda kursiga…
Share

Wararka24: Makko Maxamuud Muuse Cadde, oo loo yaqaan Makko Cafiif, ahna xaaska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa magaalada Ceel Dheer ku dhawaaqday inay u taagan tahay kursi ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Makko Cafiif ayaa sheegtay inay u tartameyso kursiga deegaan-doorashadiisu tahay Ceel Dheer, kaas oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Cajiib. Waxay sheegtay inay u taagan tahay inay metesho bulshada deegaanka, isla markaana aysan kala sooc u sameyn doonin beelaha wada dega deegaankaas.

“Waxba idinkama qarinayo, waxaan ahay murashax xildhibaan. Deegaankan Ceel Dheer ayaan wax ku leeyahay. Beesha Wacaysle ee dhalashadaydu tahay kalama saaro; hebel waaye iyo hebel kalama aqaan,” ayay tiri Makko Cafiif intii ay ku guda jirtay munaasabad ay ka hadleysay.

Ku dhawaaqista musharraxnimadeeda ayaa kusoo aadeysa xilli wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Diyaano, ay booqasho ku tageen degmada Ceel Dheer. Wararka ayaa tilmaamaya in socdaalkaasi uu barbar socday kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhacay deegaanka.

Kursiga ay Makko Cafiif u tartameyso waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo sidoo kale haya xilka Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Xildhibaanka ayaa sidoo kale ah guddoomiya Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Cod-bixinta ee Golaha Shacabka.

Ku dhawaaqista musharraxnimada Makko Cafiif ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo isu diyaarinta doorashooyinka soo socda ay ka socdaan qaybo kala duwan oo dalka ah. Ilaa hadda, Xildhibaan Maxamed Cajiib kama uusan hadlin musharraxnimada cusub iyo haddii uu mar kale u tartami doono kursiga uu hadda ku fadhiyo.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.