• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamza oo jaam ku galay isgoyska Tarabuunka, sheegayna inuu ku faraxsanyahay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamza oo jaam ku galay isgoyska Tarabuunka, sheegayna inuu ku faraxsanyahay
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa saaka jaam ku galay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo laabtay munaasabad uu xarigga kaga jarayay waddo laami ah oo laga hirgeliyay degmada Dayniile.

Ra’iisul Wasaaraha iyo kolonyadiisa ayaa muddo kooban ku hakaday ciriiriga gaadiidka ee ka jiray isgoyska, ka hor inta aysan sii wadan socdaalkooda.

Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu si toos ah ula socdo xaaladda shacabka iyo ciriiriga ka jira waddooyinka caasimadda.

“Waxaa Ilaahey mahadiis ah inaan saaka soo maray Tarabuunka, iyada oo aan jid la ii xirin oo aan isa soo dhex soconay bulshadeenna. Waan ku faraxsanahay in Tarabuunka aan xoogaa taagnayn iyo meelo kale oo uu jaam ka jiray,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wuxuu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay in madaxda dowladda ay bulshada la wadaagaan nolol maalmeedkooda, isla markaana ay si dhow u arkaan baahiyaha iyo duruufaha ay wajahaan shacabka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in safarkiisa uu ku tegay degmada Dayniile uu u dhacay si caadi ah, isaga oo sheegay inaan la xirin waddooyinka, isla markaana ay si nabad ah u gaareen goobtii munaasabadda ay uga qaybgalayeen isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Dhankiisa, Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyay xaaladda amni ee Muqdisho, isaga oo sheegay in magaalada ay ka muuqdaan isbeddello la xiriira xasilloonida iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada.

“Magaaladan waa nabad, looma baahna hub waa weyn, nabad ayay ku naalooneysaa magaaladaan, shacabkeedana ay ku noolaanayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.