Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamza oo jaam ku galay isgoyska Tarabuunka, sheegayna inuu ku faraxsanyahay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa saaka jaam ku galay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo laabtay munaasabad uu xarigga kaga jarayay waddo laami ah oo laga hirgeliyay degmada Dayniile.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 29, 2026, 4:18 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamza oo jaam ku galay isgoyska Tarabuunka, sheegayna inuu ku faraxsanyahay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa saaka jaam ku galay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo laabtay munaasabad uu xarigga kaga jarayay waddo laami ah oo laga hirgeliyay degmada Dayniile.

Ra’iisul Wasaaraha iyo kolonyadiisa ayaa muddo kooban ku hakaday ciriiriga gaadiidka ee ka jiray isgoyska, ka hor inta aysan sii wadan socdaalkooda.

Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu si toos ah ula socdo xaaladda shacabka iyo ciriiriga ka jira waddooyinka caasimadda.

“Waxaa Ilaahey mahadiis ah inaan saaka soo maray Tarabuunka, iyada oo aan jid la ii xirin oo aan isa soo dhex soconay bulshadeenna. Waan ku faraxsanahay in Tarabuunka aan xoogaa taagnayn iyo meelo kale oo uu jaam ka jiray,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wuxuu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay in madaxda dowladda ay bulshada la wadaagaan nolol maalmeedkooda, isla markaana ay si dhow u arkaan baahiyaha iyo duruufaha ay wajahaan shacabka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in safarkiisa uu ku tegay degmada Dayniile uu u dhacay si caadi ah, isaga oo sheegay inaan la xirin waddooyinka, isla markaana ay si nabad ah u gaareen goobtii munaasabadda ay uga qaybgalayeen isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Dhankiisa, Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyay xaaladda amni ee Muqdisho, isaga oo sheegay in magaalada ay ka muuqdaan isbeddello la xiriira xasilloonida iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada.

“Magaaladan waa nabad, looma baahna hub waa weyn, nabad ayay ku naalooneysaa magaaladaan, shacabkeedana ay ku noolaanayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

4 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.