Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa bilaabay baaritaanka weerarkii socday saacado badan ee ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
March 14, 2025, 2:41 pm EAT
Reading Time: 5 mins read
Dowladda Federaalka
Share

Dowladda Federaalka

Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa bilaabay baaritaanka weerarkii socday saacado badan ee ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in baareyaal ka socda Dowladda Federaalka ay ku wajahan yihiin Beledweyne, iyagoo la shaqeynaya laamaha ammaanka ee halkaas ku sugan. Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa hoggaamin doonta baaritaankan, iyadoo diiradda saareysa:

  • Sidii gaarigii iyo mooto bajaajtii qaraxda lagu fuliyay ay ku dhaafeen kontoroolka galbeed ee magaalada
  • In qaraxyadaasi lagu diyaariyay meel ka baxsan Beledweyne
  • Suurtagalnimada in dad gudaha magaalada ah ay fududeeyeen weerarka

Waxaa sidoo kale la baarayaa tuhun ah in qaar ka mid ah dableydii weerarka fulisay ay baxsadeen, maadaama wali lama soo bandhigin meydadka lixda nin ee weerarka qaaday, taasoo shaki dhalisay.

Xildhibaanada iyo Beesha galbeedka Beledweyne ayaa Dowladda Federaalka baaritaan ka dalbaday

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne, Cumar Cismaan Calasow, ayaa sheegay in lix dagaalyahan weerarka ka dambeeyeen, labo la toogtay, afartana ay is qarxiyeen. Wararka qaarse waxay tilmaamayaan in rag hubeysan oo dibadda ka yimid ay weerareen ciidamadii ku hareereysnaa hotelka, taasoo sii xoojisay shakiga ah in dableydaasi si ula kac ah loo fakiyay.

Beesha galbeedka Beledweyne, oo dadkeeda lagu beegsaday weerarka, ayaa codsatay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan xubnaha beesha ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa si adag u cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay:
“Waa lama huraan in la ogaado cidda fududeysay weerarka, oo ay cadaalad heshana dadkii waxyeelladu ka soo gaartay.”

Beeshaasi ayaa horey ugu diyaargaroobeysay ka qeybgalka wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, kadib markii Dowladda Federaalka ay xoojisay dagaalka lagaga saarayo Al-Shabaab deegaannada HirShabelle.

Dowladda Federaalka
Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne. photos creadit Universal somali tv

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo ku doodaya in hotelkaasi uu ahaa goob lagu abaabulayay howlgallo ka dhan ah iyaga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarka, isagoo xusay in:
“Al-Shabaab waa cadowga dowladnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Dadka reer Beledweyne waxay rumeysan yihiin in kooxdaasi aysan halkaas soo gaari lahayn haddii aysan jirin dad gudaha ah oo gacan siiyay.”

Weerarkan ayaa noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee kooxdaasi ka fuliyaan Beledweyne, taasoo muujisay in Al-Shabaab ay culeys saarayaan HirShabelle, oo ah xuddunta wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Dowladda Federaalka
Dowladda Federaalka
Dowladda Federaalka
Dowladda Federaalka
Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne. photos creadit Universal somali tv

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.