Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Qarax culus oo dhimasho gaystay oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Qarax culus oo miino ahaa ayaa maanta lala beegsaday ciidamo ka tirsan ciidanka Kenya meel u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana weerarkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 5:52 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Qarax culus oo dhimasho gaystay oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Qarax culus oo miino ahaa ayaa maanta lala beegsaday ciidamo ka tirsan ciidanka Kenya meel u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana weerarkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka Dadaab, waxaana lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in gebi ahaan uu burburay gaari ay saarnaayeen ciidamada Kenya, kadib markii uu haleelay qaraxa miinada ahaa oo lagu aasay waddada.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhintay ugu yaraan afar askari oo Kenyan ah, oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo kamid ahaa ciidamadii saarnaa gaariga la qarxiyay.

Maydadka askarta iyo dhaawacyada ayaa goobta looga qaaday gaadiid ciidan, waxaana loo daabulay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya si loogu sameeyo gurmad caafimaad iyo baaritaanno kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka uu u dhacay sidii ay qorsheeyeen.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Kenya, kuwaas oo billaabay howlgallo amni iyo baaritaanno la xiriira weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Kenya ay kordhiyeen roondooyinka amniga ee ka socda deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya, si looga hortago weerarro ay fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

15 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

15 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.