• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Qarax culus oo dhimasho gaystay oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Qarax culus oo dhimasho gaystay oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya
Share

Wararka24: Qarax culus oo miino ahaa ayaa maanta lala beegsaday ciidamo ka tirsan ciidanka Kenya meel u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana weerarkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka Dadaab, waxaana lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in gebi ahaan uu burburay gaari ay saarnaayeen ciidamada Kenya, kadib markii uu haleelay qaraxa miinada ahaa oo lagu aasay waddada.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhintay ugu yaraan afar askari oo Kenyan ah, oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo kamid ahaa ciidamadii saarnaa gaariga la qarxiyay.

Maydadka askarta iyo dhaawacyada ayaa goobta looga qaaday gaadiid ciidan, waxaana loo daabulay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya si loogu sameeyo gurmad caafimaad iyo baaritaanno kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka uu u dhacay sidii ay qorsheeyeen.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Kenya, kuwaas oo billaabay howlgallo amni iyo baaritaanno la xiriira weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Kenya ay kordhiyeen roondooyinka amniga ee ka socda deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya, si looga hortago weerarro ay fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

DAAWO


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.