Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Booliska Banaadir Oo Ka Digay Bannaanbaxyo Hubeysan

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay hub ku dhex wataan bannaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 26, 2026, 2:54 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Booliska Banaadir Oo Ka Digay Bannaanbaxyo Hubeysan
Share

Wararka24: Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay hub ku dhex wataan bannaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in la uruurinayo xogta dadka lagu eedeeynayo inay hub la joogaan dibadbaxyada, isagoo xusay in la hayo macluumaad ay ka mid yihiin magacyo, sawirro iyo xog kale oo aqoonsi ah.

“Dadka hubeysan iyo cid kasta oo hoy siisa ama la shaqeysa waa lala xisaabtami doonaa. Waxaan haynaa magacyadiinna, sawirradiinna iyo xogtiinna, qof walbana wuxuu leeyahay diiwaanka NIRA,” ayuu yiri taliyaha.

Hadalka kasoo baxay Booliska Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan caasimadda, iyadoo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo muujinaya dad ka qeyb-galaya dibadbaxyo iyo ilaalo la socota qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka uga digay ka qeybgalka bannaanbaxyo uu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara amniga iyo kala dambeynta magaalada, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay oggoshahay bannaanbaxyo nabadeed oo waafaqsan sharciga, balse ay u asteeysay goob cayiman oo lagu qabto mudaharaadyada mucaaradka.

Dowladdu waxay sheegtay in bannaanbaxyo ka dhaca meelo kala duwan ay saameyn ku yeelan karaan amniga guud, isu socodka shacabka iyo adeegyada muhiimka ah ee magaalada.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ee dalka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.