Wararka24: Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo abaabulka dibadbax loo qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 4-ta June. Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha la xiriira doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Qaybdiid ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka ay ka go’an tahay inay ka qeyb qaataan dibadbaxa la qorsheeyay, isaga oo sidoo kale ka digay tallaabo kasta oo ay dowladda qaadi karto oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo isu soo baxaasi. Wuxuu sheegay in mucaaradku uu doonayo in aragtidoda siyaasadeed si nabad ah loogu muujiyo shacabka.
Senatorka ayaa sidoo kale dib u xusay dhacdo dhacday 10-kii May, markaas oo uu sheegay in ciidamada dowladda ay gaareen gurigiisa xilli ay halkaasi ku sugnaayeen xubno ka tirsan mucaaradka. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadaasi mid sharci darro ah, isaga oo xusay in aanay markaas jirin qorshe dagaal ama iska horimaad ah.
Dhanka kale, Cabdi Qaybdiid ayaa ka hadlay muranka ka taagan muddo xileedka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu ku dooday in loo baahan yahay wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo lagu gaaro hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii waday kulamo iyo shirar ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed, iyagoo marar badan ku baaqay in la helo xal wadajir ah oo lagu maareeyo khilaafaadka jira. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa inay sii waddo hawlaheeda dastuuriga ah iyo qorshayaasha la xiriira doorashooyinka.
Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay u dhacaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo dibadbaxa la qorsheeyay 4-ta June.















