Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Senator Cabdi Qaybdiid oo ka hadlay dibadbaxa 4-ta June

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo abaabulka dibadbax loo qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 4-ta June. Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 23, 2026, 5:59 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Senator Cabdi Qaybdiid oo ka hadlay dibadbaxa 4-ta June
Share

Wararka24: Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo abaabulka dibadbax loo qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 4-ta June. Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha la xiriira doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Qaybdiid ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka ay ka go’an tahay inay ka qeyb qaataan dibadbaxa la qorsheeyay, isaga oo sidoo kale ka digay tallaabo kasta oo ay dowladda qaadi karto oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo isu soo baxaasi. Wuxuu sheegay in mucaaradku uu doonayo in aragtidoda siyaasadeed si nabad ah loogu muujiyo shacabka.

Senatorka ayaa sidoo kale dib u xusay dhacdo dhacday 10-kii May, markaas oo uu sheegay in ciidamada dowladda ay gaareen gurigiisa xilli ay halkaasi ku sugnaayeen xubno ka tirsan mucaaradka. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadaasi mid sharci darro ah, isaga oo xusay in aanay markaas jirin qorshe dagaal ama iska horimaad ah.

Dhanka kale, Cabdi Qaybdiid ayaa ka hadlay muranka ka taagan muddo xileedka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu ku dooday in loo baahan yahay wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo lagu gaaro hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii waday kulamo iyo shirar ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed, iyagoo marar badan ku baaqay in la helo xal wadajir ah oo lagu maareeyo khilaafaadka jira. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa inay sii waddo hawlaheeda dastuuriga ah iyo qorshayaasha la xiriira doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay u dhacaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo dibadbaxa la qorsheeyay 4-ta June.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.