• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo eedeymo culus u jeediyay Saciid Deni

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo eedeymo culus u jeediyay Saciid Deni
Share

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeyay inuu ka horyimid midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Deni uu xiriir la yeeshay dowlado shisheeye oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah jiritaanka iyo wadajirka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay inuu taageeray kala go’a dalka.

“Deni wuxuu Soomaaliya kala saftay shisheeyihii la is qabtay, wuxuu taageeray kala go’a dalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga oo qoraal adag soo saaray.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in hoggaamiyaha Puntland uu muddo afar sano ah jaray xiriirkii iyo wada shaqeyntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo dhaawaceysa dowladnimada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ku dhaliilay Deni inuu xiriir dhow la yeeshay dowlado uu sheegay inay halis ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay inuu iska dhigayo siyaasi daneynaya badbaadinta dalka.

Qoraalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo maamulka dalka.

Ma jiro illaa hadda wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxay Puntland ama Madaxweyne Saciid Deni oo ku aaddan eedeymaha culus ee uu jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe ayaa sii xoogeysatay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo dhowr ah oo la xiriira nidaamka federaalka iyo maamulka doorashooyinka dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.