Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo eedeymo culus u jeediyay Saciid Deni

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeyay inuu ka horyimid midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 17, 2026, 3:52 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo eedeymo culus u jeediyay Saciid Deni
Share

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeyay inuu ka horyimid midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Deni uu xiriir la yeeshay dowlado shisheeye oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah jiritaanka iyo wadajirka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay inuu taageeray kala go’a dalka.

“Deni wuxuu Soomaaliya kala saftay shisheeyihii la is qabtay, wuxuu taageeray kala go’a dalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga oo qoraal adag soo saaray.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in hoggaamiyaha Puntland uu muddo afar sano ah jaray xiriirkii iyo wada shaqeyntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo dhaawaceysa dowladnimada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ku dhaliilay Deni inuu xiriir dhow la yeeshay dowlado uu sheegay inay halis ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay inuu iska dhigayo siyaasi daneynaya badbaadinta dalka.

Qoraalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo maamulka dalka.

Ma jiro illaa hadda wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxay Puntland ama Madaxweyne Saciid Deni oo ku aaddan eedeymaha culus ee uu jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe ayaa sii xoogeysatay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo dhowr ah oo la xiriira nidaamka federaalka iyo maamulka doorashooyinka dalka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.