• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sacuudiga oo iclaamiyay raadinta curashada bisha Dul-Xaj

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sacuudiga oo iclaamiyay raadinta curashada bisha Dul-Xaj
Share

Wararka24: Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in maanta oo Axad ah la raadin doono bisha Dul-Xijjah 1447 Hijriyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada.

Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in shacabka Sacuudiga looga baahan yahay inay la socdaan curashada bisha, si loo xaqiijiyo bilowga bisha Dul-Xijjah oo muhiimad gaar ah u leh Muslimiinta caalamka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in xaqiijinta bisha ay saldhig u tahay jadwalka gudashada waajibaadka xajka, gaar ahaan maalinta Carafo iyo dabaal-degga Ciidul-Adxaa.

Sidoo kale, Maxkamadda Sare ayaa ugu baaqday cid kasta oo aragta bisha cusub inay xogtaas gaarsiiso maxkamadaha iyo hay’adaha ay khuseyso, si si rasmi ah loo diiwaangeliyo aragtida bisha.

Bisha Dul-Xijjah ayaa kamid ah bilaha ugu fadliga badan sanadka Islaamka, waxaana ku jira acmaalo cibaado oo waaweyn sida gudashada xajka iyo soonka tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha.

Maalinta sagaalaad ee Dul-Xijjah, oo loo yaqaan Maalinta Carafo, ayaa ah maalin qiimo weyn leh, iyadoo malaayiin Muslimiin ah ay isugu tagaan deegaanka Carafo si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee xajka.

Sidoo kale, maalinta xigta ee 10-ka Dul-Xijjah ayaa ah maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa, taas oo si weyn looga xuso dunida Islaamka.

Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.