Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maamul cusub oo loo magacaabay Baydhabo iyo wareegtada

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-U-Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Isaaq Ismaan Fanax ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay maamul cusub oo hoggaamiya magaalada Baydhabo, xilli ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka maamulkaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 25, 2026, 3:05 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Maamul cusub oo loo magacaabay Baydhabo iyo wareegtada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-U-Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Isaaq Ismaan Fanax ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay maamul cusub oo hoggaamiya magaalada Baydhabo, xilli ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka maamulkaas.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Sate inuu noqdo guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada, iyadoo si rasmi ah loo dhaqan geliyay magacaabistan laga bilaabo 25-ka April 2026.

Wasiirka ayaa sidoo kale faray maamulka gobolka Baay iyo laamaha amniga inay si buuxda ula shaqeeyaan mas’uulka cusub, si loo dardar geliyo howlaha maamulka iyo sugidda amniga inta lagu jiro marxaladdan xasaasiga ah.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore Cabdullahi Watiin, kaas oo dhawaan lagu sameeyay hub ka dhigis, iyadoo lagu tuhmay inuu xiriir la lahaa dhinacyada mucaaradka ee ka soo horjeeda isbeddellada ka socda maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallo ay dowladda ku dooneyso inay ku xakameyso xaaladda kacsan ee ka taagan Baydhabo, gaar ahaan kadib dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameeyeen ciidamada taabacsanaa madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli la filayo in maamulka Koonfur Galbeed uu galo doorashooyin cusub, iyadoo weli la dareemayo khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dhinacyada deegaanka.

Mas’uuliyiinta ayaa rajo ka muujiyay in magacaabista cusub ay gacan ka geysan doonto dejinta xaaladda iyo dardargelinta howlaha maamulka magaalada

Wareegtada


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

13 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

13 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.