Wararka24: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee somaaliya ayaa ku amray wasiirrada ka tirsan Baarlamaanka inay kala doortaan xilka xukuumadda iyo xubinnimada sharci-dejinta. Go’aankan ayaa lagu sheegay mid ku saleysan qodobo ka mid ah dastuurka federaalka.
Bayaan uu guddigu soo saaray ayaa lagu caddeeyay in aan hal qof isku mar qaban karin laba xil oo kala ah wasiirnimo iyo xildhibaan. Guddigu wuxuu sheegay in kala soocidda awoodaha fulinta iyo sharci-dejinta ay muhiim u tahay hannaanka dowladnimo.
Tallaabadan ayaa si weyn u saameyneysa xubno ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Wararka ayaa tilmaamaya in ilaa 15 wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ay sidoo kale yihiin xildhibaano.
Mas’uuliyiinta ay arrintan si toos ah u saameyneyso waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalaax Axmed Jaamac, oo ka tirsan Aqalka Sare. Waxaa la faray inay doortaan mid ka mid ah labada xil.
Guddiga ayaa xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay xoojinta nidaamka dowlad-dhiska iyo ilaalinta kala madaxbannaanida hay’adaha dowladda. Waxay sidoo kale ku adkeeyeen in la raaco qawaaniinta dastuurka cusub.
Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dastuurka cusub si buuxda loo dhaqan gelin doono kadib dhammaadka muddo xileedkiisa. Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan waqtiga saxda ah ee fulinta go’aannadan.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in dowladdu ay ku dhiirrigelinayso wasiirrada xildhibaanada ah inay iska casilaan kuraasta Baarlamaanka. Tani ayaa la sheegay inay noqon karto tallaabo lagu muujinayo hirgelinta dastuurka cusub.
Qaar ka mid ah wasiirrada ayaa la sheegay inay ka walaacsan yihiin in haddii ay ka tanaasulaan kuraasta Baarlamaanka ay ku adkaan karto inay dib ugu soo laabtaan mustaqbalka.
















