Wararka24: Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay. Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda, iyadoo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sare.
Xafladda soo dhoweynta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Agaasimaha Guud Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax, iyo madax kale oo ka tirsan dowlada. Sidoo kale waxaa goobta joogay la-taliyeyaal sarsare oo ka tirsan Wasaaradda.
Hoggaanka Wasaaradda ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka cusub, iyagoo muujiyay kalsooni ku aaddan kartidiisa shaqo. Waxay u rajeeyeen inuu si hufan u guto waajibaadka culus ee loo igmaday.
Dhankiisa, Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda soo dhoweynta loo sameeyay. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu si daacadnimo iyo hufnaan leh uga shaqeeyo horumarinta qorshayaasha qaranka.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn dhex marta dhammaan waaxyaha Wasaaradda. Wuxuu xusay in horumarinta dhaqaalaha iyo qorsheynta dalka ay u baahan tahay dadaal wadajir ah.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah isbeddellada ka socda hay’adaha dowladda, iyadoo la doonayo in la xoojiyo waxqabadka iyo hufnaanta maamulka. Mas’uulka cusub ayaa la filayaa inuu door ka qaato hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.























