• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Soomaaliya oo si adag uga hortimid tallaabo Israa’iil qaaday

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo si adag uga hortimid tallaabo Israa’iil qaaday
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabo ay qaaday Israa’iil, taas oo la xiriirta magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo gobolka Somaliland.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ka hor imaaneyso sharciga caalamiga ah.

Dowladdu waxay xustay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaaneyso qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo mabaa’di’da Midowga Afrika, kuwaas oo aqoonsan Soomaaliya inay tahay dal mideysan oo leh xuduudo caalami ah oo la wada oggol yahay.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa si cad u sheegtay inay gebi ahaanba diidan tahay isku day kasta oo lagu doonayo in aqoonsi siyaasadeed ama diblomaasiyadeed la siiyo qayb ka mid ah dhulkeeda iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda dhexe.

Bayaanaka ayaa lagu adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana dadaal kasta oo lagu muujinayo inay tahay dal gooni ah uu yahay mid aan sharciyad lahayn, isla markaana wax u dhimaya heshiisyada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday Israa’iil inay dib uga laabato go’aankan, isla markaana ay ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta, inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah kana hortagaan tallaabo kasta oo dhaawacaysa midnimada dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inay ka go’an tahay difaaca midnimada iyo xuquuqdeeda qaran iyadoo adeegsaneysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee suuragalka ah.


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.