• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wasiirka tamarta Turkiga

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 5 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wasiirka tamarta Turkiga
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalkaas Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay diiradda saareen horumarinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo dhaqaalaha buluugga. Mas’uuliyiinta ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo maalgashiga iyo wada shaqeynta labada dal.

Madaxweynaha ayaa sheegay in iskaashiga tamarta uu gaaray heer horumar leh, isagoo tilmaamay in fursado cusub ay u furmeen dalka. Wuxuu xusay in howlaha la xiriira sahminta iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah ay door weyn ka qaadan doonaan koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in iskaashiga Turkiga uu yahay mid istaraatiiji ah oo sii xoojinaya horumarka Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay ka faa’iideysiga khayraadka dalka si loo taageero horumarka guud.

Dhankiisa, Wasiir Alparslan Bayraktar ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay wafdigiisa. Wuxuu sheegay in mashruucyada tamarta ee socda ay muujinayaan sida ay u miro dhalayaan qorshayaasha iskaashi ee labada dal.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in howlaha markabka Cagri Bay ay astaan u yihiin bilow cusub oo ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Wuxuu caddeeyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya si loo gaaro yoolalka horumarineed ee la hiigsanayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qodista shidalka ay billaban doonta ayna ka maradalin doonan shidalda somaaliya ee shacabka wax badan rajeynayeen isla markaaana ay wax kabadali doonta dhaqalaha somaaliya. markabka Cagri Bay aya muujinaya bilawga howlgalka qodista shidalka tas oo ka dhigan horumar xaga tamarta iyo Dhaqalaha somaaliya.

DAAWA


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.