Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Itoobiya oo lagu eedeeyay inay RSF ka taageerto saldhig milatari

Xogo cusub oo laga helay sawirro dayax-gacmeed ayaa muujinaya in dowladda Itoobiya si qarsoodi ah taageero milatari u siinayso Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan ee loo yaqaan RSF.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 9, 2026, 1:46 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Itoobiya oo lagu eedeeyay inay RSF ka taageerto saldhig milatari
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xogo cusub oo laga helay sawirro dayax-gacmeed ayaa muujinaya in dowladda Itoobiya si qarsoodi ah taageero milatari u siinayso Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan ee loo yaqaan RSF.

Warbixintan oo ay soo saareen cilmi-baarayaal ka tirsan Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadanimo ee Jaamacadda Yale ayaa tilmaamaysa in taageeradan laga fulinayo saldhig ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya oo ku yaalla meel u dhow magaalada Asosa.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in dhaqdhaqaaqyo muddo bilo ah socday ay muujinayaan in baabuur dagaal iyo qalab milatari lagu diyaarinayo saldhiggaas, kadibna loo gudbinayo gudaha Suudaan.

Sawirrada ayaa sidoo kale muujiyay in baabuurta lagu rakibayay hub culus, isla markaana ay halkaasi ka jireen teendhooyin iyo agab loogu talagalay dagaalyahanno.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in saldhigga Asosa uu noqday xarun muhiim ah oo saadka iyo dayactirka u ah howlaha RSF.

Dhinaca kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu door weyn ku leeyahay taageerada RSF, iyadoo la sheegay in sahayda qaarkeed ay soo marto magaalada Berbera.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo laga soo qaaday Berbera loona gudbiyay gudaha Itoobiya, taas oo muujinaysa isbeddel dhanka istaraatiijiyadda gobolka ah.

Dowladda Imaaraadka ayaa horay u beenisay inay taageero siiso RSF, halka Itoobiya aysan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymahan cusub.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dagaalka Suudaan uu sii xoogeysanayo tan iyo bishii Abriil 2023, kaas oo sababay barakac ballaaran iyo dhibaato bini’aadanimo oo xooggan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

12 minutes ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

20 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

20 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

3 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.