Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa weli ku sugan magaalada Baydhaba, halkaas oo ay ka wadaan kulamo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.
Masuuliyiinta ku sugan magaalada waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiirro iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada maamulkaas.
Afhayeenka Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, ayaa sheegay in madaxweynaha uu kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo amniga iyo wada shaqeynta.
Wuxuu xusay in qorshaha dowladda uu yahay dardargelinta hanaanka doorashooyinka, iyadoo la doonayo in doorashooyin laga qabto Koonfur Galbeed kadib tii hore ee ka dhacday Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in magacaabista hoggaamiye kumeel gaar ah ay timid kadib markii uu meesha ka baxay maamulkii hore, si loo helo maamul hagaya marxaladda kala guurka.
Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka kumeel gaarka ah uusan ahayn mid waqti dheer sii jiri doona, balse uu yahay mid fududeynaya amniga iyo geeddi socodka doorashada.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in xaaladda amni ee Baydhaba ay hadda soo hagaagayso, kadib markii ciidamada ammaanka ay qabqabteen dad lagu eedeeyay falal amni darro.



























