• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhaba kadib isbeddelka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhaba kadib isbeddelka
Share

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago magaalada Baydhaba, kadib markii ay ciidamada Dowladda Federaalka la wareegeen gacan ku haynta magaalada.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira kormeerka xaaladda magaalada iyo isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed, sida ay sheegayaan warar la helayo.

Wararka ayaa tilmaamaya in madaxweynuhu uu la kulmi doono siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si looga arrinsado marxaladda kala guurka ah iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah.

Baydhaba waxaa horey ugu sugan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo kulamo la xiriira xaaladda ka wada magaalada.

Xaaladda magaalada ayaa haatan degan, kadib howlgal ay dowladda federaalka ku qaadday oo si buuxda loogu la wareegay xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Isbeddelkan ayaa sababay in si degdeg ah ay isu beddesho jihada siyaasadeed ee maamulka, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu dhisayo maamul cusub.

Dhanka kale, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu u ambabaxay dalka Kenya, isagoo horay u magacaabay ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.