• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inaanay difaaci karin Lafta-gareen

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Itoobiya oo sheegay inaanay difaaci karin Lafta-gareen
Share

Wararka24: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhaba ayaa la sheegay inay u sheegeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen inaanay ka difaaci karin ciidamada Dowladda Federaalka haddii ay magaalada galaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamay in saraakiisha Itoobiya ay si cad ugu wargeliyeen Lafta-gareen in aysan ku lug yeelan doonin iska horimaad toos ah oo ay la galaan ciidamada federaalka.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka ay ku sii siqayaan duleedka Baydhaba, kadib dagaallo ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18 kiiloomitir u jira magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Addis Ababa ay hadda diiradda saareyso sidii xal looga heli lahaa xaaladda cakiran, halkii ay ka geli lahayd dagaal sababi kara cawaaqib diblomaasiyadeed.

Ciidamada Itoobiya ayaa weli ku sugan gudaha iyo hareeraha Baydhaba, iyagoo qayb ka ah howlgalka AUSSOM, inkastoo joogitaankooda uu yahay mid xasaasi ah.

Xaaladdan ayaa kusoo aadaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dhaqaaqyo hor leh ka bilaabeen waddada aada Baydhaba, taas oo sare u qaadaysa cabsi laga qabo dagaal ka dhaca magaalada.

Xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee labada dhinac.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.