Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inaanay difaaci karin Lafta-gareen

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhaba ayaa la sheegay inay u sheegeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen inaanay ka difaaci karin ciidamada Dowladda Federaalka haddii ay magaalada galaan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 30, 2026, 11:02 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Itoobiya oo sheegay inaanay difaaci karin Lafta-gareen
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhaba ayaa la sheegay inay u sheegeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen inaanay ka difaaci karin ciidamada Dowladda Federaalka haddii ay magaalada galaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamay in saraakiisha Itoobiya ay si cad ugu wargeliyeen Lafta-gareen in aysan ku lug yeelan doonin iska horimaad toos ah oo ay la galaan ciidamada federaalka.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka ay ku sii siqayaan duleedka Baydhaba, kadib dagaallo ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18 kiiloomitir u jira magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Addis Ababa ay hadda diiradda saareyso sidii xal looga heli lahaa xaaladda cakiran, halkii ay ka geli lahayd dagaal sababi kara cawaaqib diblomaasiyadeed.

Ciidamada Itoobiya ayaa weli ku sugan gudaha iyo hareeraha Baydhaba, iyagoo qayb ka ah howlgalka AUSSOM, inkastoo joogitaankooda uu yahay mid xasaasi ah.

Xaaladdan ayaa kusoo aadaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dhaqaaqyo hor leh ka bilaabeen waddada aada Baydhaba, taas oo sare u qaadaysa cabsi laga qabo dagaal ka dhaca magaalada.

Xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee labada dhinac.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

39 minutes ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 hour ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 hour ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.