• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergo u diray Golaha Mustaqbalka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo oo wada dadaallo lagu soo dhoweynayo Xasan Sheekh, Deni iyo Axmed Madoobe
Share

Wararka25: 23-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ergo u diray hoggaanka Golaha Mustaqbalka kaddib markii wadahadalladii ka dhacay Madaxtooyada ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan.

Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray Hotel Airport, halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ergadu ay ujeedkeedu yahay in dib loo kiciyo wada-hadallada, isla markaana laga baajiyo in Golaha Mustaqbalka soo saaro war-murtiyeed ay ku sheegayaan in wadahadalladu ku fashilmeen dhinaca Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Xasan Sheekh uu xalay la xiriiray qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isaga oo ka codsaday in fursad la siiyo sii wadista wada-hadallada si xal loogu helo is-mari-waaga taagan.

Khilaafka ugu weyn ayaa weli salka ku haya hannaanka doorashooyinka. Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in laga guuro nidaamka doorashada dadban ee ku dhisan hab-qaybsiga beelaha lana aado nidaamka qof iyo cod, halka mucaaradku ay diiddan yihiin, iyaga oo ku doodaya in isbeddel degdeg ah oo noocaas ah uu halis gelin karo nidaamka federaalka iyo isku-dheellitirka awood-qaybsiga.

Wadahadallada ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka wajahayo caqabado siyaasadeed oo waaweyn, iyadoo aan weli la isku afgaran qaabka loo wajahayo doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.