Wararka25: 22-02-2026 Wadahadalladii u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa galay is-mari-waa, kaddib markii kulankii labaad ee ka dhacay Villa Soomaaliya uu ku dhammaaday natiijo la’aan, iyada oo aan la gaarin wax heshiis ah.
Kulankaas oo saacado qaatay ayaa diiradda lagu saaray wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka soo socda, balse labada dhinac ayaa ku guuldareystay inay is-afgarad ka gaaraan qodobada aasaasiga ah. Illaa iyo hadda, ma jiro kulan kale oo si rasmi ah loo ballameeyay, taas oo kordhisay walaaca laga qabo in wadahadalladu hakad galaan.
Qodobka ugu weyn ee is-mari-waaga dhaliyay ayaa ah hannaanka doorashooyinka. Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysanaysa in dalka laga gudbiyo nidaamka doorashada dadban ee ku dhisan beelaha, loona guuro nidaamka qof iyo cod, iyada oo ku doodaysa in tani ay muhiim u tahay hirgelinta dimuqraadiyad toos ah.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa arrintaas diiday, iyagoo ku dooday in isbeddel degdeg ah uu khatar gelin karo nidaamka federaalka, isla markaana aysan weli diyaarsanayn duruufaha amni, dhaqaale iyo farsamo ee suurta-gelin kara doorasho qof iyo cod ah.
Cakiran siyaasadeedkan ayaa imanaya xilli xasaasi ah, iyadoo muddo-xileedka madaxweynaha uu ku eg yahay 15-ka May. Khubaro siyaasadeed ayaa ka digaya in haddii aan la helin is-afgarad guud oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo jadwalkooda, ay suurta-gal tahay in dalku galo firaaq dastuuri ah.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay wadaan wada-tashiyo u gaar ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, haddii aan wax heshiis ah laga gaarin heer federaal. Beesha caalamka ayaa la sheegay inay si dhow ula socoto xaaladda, iyadoo ku boorrisay dhinacyada inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si looga baaqsado xiisad siyaasadeed oo hor leh.


















