Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo jawaab kulul siiyay Wasiir Cumar

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifataax Mukhtaar, ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta si adag ugu jawaabay hadallo kasoo yeeray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maalintii hore weerar afka ah ku qaaday madaxweynayaasha Jubbaland…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 16, 2026, 12:10 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo jawaab kulul siiyay Wasiir Cumar
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifataax Mukhtaar, ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta si adag ugu jawaabay hadallo kasoo yeeray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maalintii hore weerar afka ah ku qaaday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa sheegay in dalka laga xukumo Villa Soomaaliya, isla markaana madaxda Jubbaland iyo Puntland ay ku qasban yihiin inay tagaan Madaxtooyada si ay ula kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaabtiisa, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aan lagu qasbi karin inay tagaan Villa Soomaaliya, isla markaana joogitaankooda Muqdisho uu la xiriiray “badbaadinta dowladnimada dalka” iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga in aanu ka hadlin mas’uuliyaddiisa shaqo, isagoo sheegay in ay habboonayd in uu diiradda saaro guulaha ay ciidamada ka gaareen howlgallada amni, gaar ahaan burburinta warshad qaraxyo oo Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Badda Madow.

Hadalladan is-dhaafsiga ah ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeysa mucaaradka iyo hoggaanka dalka, taasoo salka ku haysa muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

19 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

20 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

3 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.