Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 14, 2026, 2:21 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee xerada Xalane ayaa yimid kaddib booqasho uu Farmaajo ugu tegay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo haatan wada kulammo siyaasadeed oo ka socda caasimadda.

Kulanka waxaa ka soo muuqday xubno ka tirsan kooxda ololaha Farmaajo, oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Filish, kuwaas oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee socda.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-baridin iyo kala war-qaadasho, waxaana sidoo kale uu qayb ka yahay shirar ballaaran oo haatan ka socda Muqdisho, gaar ahaan gudaha xerada Xalane, kuwaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah.

Horay, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulammo is-xigxigay ula yeeshay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo looga hadlay wada-hadallada la filayo inay dhex maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, xalay waxaa xerada Xalane galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo booqday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, isaga oo kala hadlay diyaar-garowga shirka guud ee loo ballansan yahay.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa hore u xaqiijiyay inaysan Muqdisho ka bixi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ku boorriyay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada la filayo. Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa iyaguna sheegay in dalka u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo degdeg ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, xilli bilo kooban ay ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

19 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

20 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

3 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.