Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee xerada Xalane ayaa yimid kaddib booqasho uu Farmaajo ugu tegay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo haatan wada kulammo siyaasadeed oo ka socda caasimadda.
Kulanka waxaa ka soo muuqday xubno ka tirsan kooxda ololaha Farmaajo, oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Filish, kuwaas oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee socda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-baridin iyo kala war-qaadasho, waxaana sidoo kale uu qayb ka yahay shirar ballaaran oo haatan ka socda Muqdisho, gaar ahaan gudaha xerada Xalane, kuwaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah.
Horay, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulammo is-xigxigay ula yeeshay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo looga hadlay wada-hadallada la filayo inay dhex maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Sidoo kale, xalay waxaa xerada Xalane galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo booqday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, isaga oo kala hadlay diyaar-garowga shirka guud ee loo ballansan yahay.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa hore u xaqiijiyay inaysan Muqdisho ka bixi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ku boorriyay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada la filayo. Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa iyaguna sheegay in dalka u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo degdeg ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, xilli bilo kooban ay ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


















