• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Khudbadda Xasan Sheekh ee shirka Talyaaniga iyo Afrika

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe 3-weji ah oo lagu fashilinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa Shir-madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku iftiimiyay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in mudnaanta dalka ay tahay xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha, abuurista shaqooyin dhallinyarada, sugidda isku filnaanshaha cunnada, iyo isku xirka dhaqaalaha Soomaaliya suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in horumarka Afrika uu ku salaysan yahay ixtiraamka gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalalka, si waafaqsan mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Wuxuu tilmaamay in tallaabooyin hal-dhinac ah oo lagu wiiqayo madax-bannaanida dalalka ay khatar ku yihiin nidaamka caalamiga ah, isla markaana ay tahay in si mideysan looga hortago faragelin kasta oo dibadeed oo xasillooni darro abuureysa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta nabadda iyo horumarka, isaga oo muujiyay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Talyaaniga taageerada ay siiyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii xoojiso wada-shaqeynta kala dhexeeya Talyaaniga iyo bahwadaagta Qorshaha Mattei, iyadoo la raacayo mabaadi’ ku dhisan kalsooni, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo lagu gaari karo Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.