Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Khudbadda Xasan Sheekh ee shirka Talyaaniga iyo Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa Shir-madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 14, 2026, 12:59 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe 3-weji ah oo lagu fashilinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa Shir-madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku iftiimiyay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in mudnaanta dalka ay tahay xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha, abuurista shaqooyin dhallinyarada, sugidda isku filnaanshaha cunnada, iyo isku xirka dhaqaalaha Soomaaliya suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in horumarka Afrika uu ku salaysan yahay ixtiraamka gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalalka, si waafaqsan mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Wuxuu tilmaamay in tallaabooyin hal-dhinac ah oo lagu wiiqayo madax-bannaanida dalalka ay khatar ku yihiin nidaamka caalamiga ah, isla markaana ay tahay in si mideysan looga hortago faragelin kasta oo dibadeed oo xasillooni darro abuureysa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta nabadda iyo horumarka, isaga oo muujiyay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Talyaaniga taageerada ay siiyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii xoojiso wada-shaqeynta kala dhexeeya Talyaaniga iyo bahwadaagta Qorshaha Mattei, iyadoo la raacayo mabaadi’ ku dhisan kalsooni, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo lagu gaari karo Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

8 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

8 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.