Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Kheyre iyo Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh u diray digniin culus

12-02-2026 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay hannaanka ay Xukuumadda Federaalka ku wado arrimaha dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in muddada kooban ee ka harsan muddo-xileedka dowladda aan…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 12, 2026, 10:40 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Kheyre iyo Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh u diray digniin culus
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 12-02-2026 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay hannaanka ay Xukuumadda Federaalka ku wado arrimaha dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in muddada kooban ee ka harsan muddo-xileedka dowladda aan lagu xallin karin arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Kheyre ayaa sheegay in saddexda bilood iyo dhowrka maalmood ee ka haray xil-heynta xukuumadda aan lagu dhisi karin Dastuur dhammeystiran, aan lagu mideyn karin ummad kala aragti duwan, isla markaana aan gargaar waara lagu gaarsiin karin malaayiinta ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu ku adkeeyay in waqtigan kooban lagu gaari karo oo keliya is-afgarad ku saabsan hannaanka doorasho ee dalka, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan hor leh.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna muujiyay walaac la xiriira xiisadda siyaasadeed ee dalka, isagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu xaaladda dejiyo, dhexda soo dhigo, kana shaqeeyo isu-soo-dhowaansho ku dhisan walaaltinimo iyo ehelnimo Soomaaliyeed.

Rooble ayaa ku taliyay in si degdeg ah loo joojiyo wax-ka-beddelka dastuurka ee aan lagu heshiin, si looga hortago sii hurinta khilaafaadka jira.

Hadallada labada Ra’iisul Wasaare hore ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo xooggan oo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo jihada hoggaanka, taas oo abuurtay walaac ballaaran oo ka dhex jira siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.