• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe 3-weji ah oo lagu fashilinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe 3-weji ah oo lagu fashilinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Share

Wararka24: 12-02-2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyey istiraatiijiyad saddex-weji leh oo dowladdiisu ku doonayso inay ku fashiliso tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Muqdisho ay xoojisay wada shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow oo ay la leedahay Sacuudi Carabiya iyo quwadaha kale ee gobolka si loo go’doomiyo tallaabadaas.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay dhiseyso mowqif mideysan oo Carab, Islaam iyo Afrikaan ah, isla markaana ay arrinta u gudbisay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay dalbatay fadhi rasmi ah oo Golaha Ammaanka ah, maadaama Soomaaliya xubin aan joogto ahayn ka tahay golahaas. Xasan Sheekh ayaa aqoonsiga ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo ka digay in tallaabadu ay khatar ku tahay amniga gobolka.

sedaxda Qorsha

Cadaadis sharci & diblomaasiyadeed:

In arrinta la geeyo hay’adaha caalamiga ah (QM, AU, OIC) lana helo go’aanno iyo cambaarayn rasmi ah.

Mowqif mideysan oo goboleed:

In la dhiso isbahaysi Carab, Islaam iyo Afrikaan ah gaar ahaan taageerada Sacuudiga si loo ilaaliyo midnimada Soomaaliya loona sugo amniga Badda Cas.

Wada-hadal qaran:

In gudaha dalka lagu xalliyo tabashooyinka, lana wiiqo doodaha gooni-u-goosadka iyada oo la adeegsanayo hannaan dastuuri ah oo loo dhan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu xusay muhiimada istiraatiijiyadeed ee marin-biyoodka Baab-al-Mandab, oo ah halbowle ay maraan ku dhowaad 12% ganacsiga caalamka, isaga oo ka digay in galaangal shisheeye oo iska soo horjeeda uu beddeli karo dheelitirka awoodda gobolka, halisna gelin karo danaha dalalka ku teedsan Badda Cas.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale digniin u diray jilayaasha gobolka ee raadinaya “danaha gaaban,” isaga oo ku boorriyey in arrinta Somaliland aan loo arkin mid maxalli ah oo keliya, balse ay tahay mid saameyn ku leh xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga caalamiga ah.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.