Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe 3-weji ah oo lagu fashilinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

12-02-2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyey istiraatiijiyad saddex-weji leh oo dowladdiisu ku doonayso inay ku fashiliso tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 12, 2026, 9:24 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe 3-weji ah oo lagu fashilinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 12-02-2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyey istiraatiijiyad saddex-weji leh oo dowladdiisu ku doonayso inay ku fashiliso tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Muqdisho ay xoojisay wada shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow oo ay la leedahay Sacuudi Carabiya iyo quwadaha kale ee gobolka si loo go’doomiyo tallaabadaas.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay dhiseyso mowqif mideysan oo Carab, Islaam iyo Afrikaan ah, isla markaana ay arrinta u gudbisay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay dalbatay fadhi rasmi ah oo Golaha Ammaanka ah, maadaama Soomaaliya xubin aan joogto ahayn ka tahay golahaas. Xasan Sheekh ayaa aqoonsiga ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo ka digay in tallaabadu ay khatar ku tahay amniga gobolka.

sedaxda Qorsha

Cadaadis sharci & diblomaasiyadeed:

In arrinta la geeyo hay’adaha caalamiga ah (QM, AU, OIC) lana helo go’aanno iyo cambaarayn rasmi ah.

Mowqif mideysan oo goboleed:

In la dhiso isbahaysi Carab, Islaam iyo Afrikaan ah gaar ahaan taageerada Sacuudiga si loo ilaaliyo midnimada Soomaaliya loona sugo amniga Badda Cas.

Wada-hadal qaran:

In gudaha dalka lagu xalliyo tabashooyinka, lana wiiqo doodaha gooni-u-goosadka iyada oo la adeegsanayo hannaan dastuuri ah oo loo dhan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu xusay muhiimada istiraatiijiyadeed ee marin-biyoodka Baab-al-Mandab, oo ah halbowle ay maraan ku dhowaad 12% ganacsiga caalamka, isaga oo ka digay in galaangal shisheeye oo iska soo horjeeda uu beddeli karo dheelitirka awoodda gobolka, halisna gelin karo danaha dalalka ku teedsan Badda Cas.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale digniin u diray jilayaasha gobolka ee raadinaya “danaha gaaban,” isaga oo ku boorriyey in arrinta Somaliland aan loo arkin mid maxalli ah oo keliya, balse ay tahay mid saameyn ku leh xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga caalamiga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.