• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheikh Aya sheegay inuu mar saddexaad u taagan yahay madaxtinimada Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheikh Aya sheegay inuu mar saddexaad u taagan yahay madaxtinimada Soomaaliya
Share

Wararka24: 9-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in uu mar kale u tartamayo xilka madaxweynaha, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyin la filayo inay ka duwanaadaan kuwii hore.

Wareysi uu siiyay Aljazeera, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dastuurka KMG ah uu oggolaanayo in madaxweyne la doorto laba jeer oo xiriir ah, isaga oo xusay in uusan horey u helin laba xilli oo is-daba-joog ah, taasoo sharci ahaan u oggolaanaysa inuu mar kale isu taago. “Doorashooyinku waa soo socdaan, aniguna waan u taaganahay. Doorashadan way ka duwan tahay kuwii hore, waxaan rabnaa doorasho ku saleysan axsaab siyaasadeed iyo dastuur cusub,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay waxqabadkii dowladdiisa, isaga oo sheegay in horumar laga sameeyay la-dagaallanka Al-Shabaab, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoreynta deegaanno ka tirsan dalka. Wuxuu xusay in tan iyo 2022 ay dowladda hirgelisay istaraatiijiyad amni oo cusub oo keentay in kooxda laga saaro deegaanno badan, isla markaana hoos loo dhigo awooddii dhaqaale iyo weerar ee kooxda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay horumar laga gaaray kaabeyaasha dhaqaalaha, sida dekedaha, garoomada diyaaradaha, isbitaallada iyo waddooyinka. Wuxuu xusay in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, isla markaana lagu guuleystay cafinta deyn ka badan $5 bilyan, arrimo uu ku tilmaamay guulo waaweyn oo dowladda gaartay.

Dhanka kale, hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan walaacyo siyaasadeed oo ku saabsan habraaca doorashooyinka soo socda, iyadoo aysan weli caddayn in la qaban karo doorasho qof iyo cod ah, halka siyaasiyiin mucaarad ah ay ka digeen khilaafyo iyo muran ka dhasha muddo kororsi.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.