• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay hadal kasoo yeeray Madaxweynihii hore

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay hadal kasoo yeeray Madaxweynihii hore
Share

Wararka24: 6-02-2026: Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay hadal kasoo yeeray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inuu joojiyo olole taageero loogu ururinayay dhismaha guri loo sameynayay.

Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdicasiis Golfyare, ayaa sheegay in eedeyntaasi aysan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uusan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan arrintaas oo dhex maray labada mas’uul. “Ma jiro wadahadal dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay,” ayuu yiri Afhayeen Golfyare.

Madaxtooyadu waxay intaas ku dartay in xilliga uu Farmaajo sheegay in arrintaasi dhacday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku mashquulsanaa arrimo mudnaan leh oo ay ka mid yihiin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dadaallada deyn cafinta iyo qaadista cunaqabataynta hubka. Villa Somalia ayaa ku eedeysay hadalka Farmaajo inuu ahaa mid lagu raadinayo hadal-hayn warbaahineed.

Murankan ayaa soo baxay kaddib markii Farmaajo uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka codsaday in la hakiyo olole taageero loogu ururinayay guri laga dhisay deegaanka Ceeljaalle ee degmada Marka.

Xafiiska Farmaajo ayaa sheegay in guriga, oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne,” lagu dhisay lacag lagu ururiyay taageerayaal, isla markaana kharashkiisu gaaray $295,000, halka lacagta la ururiyay ay ahayd ku dhowaad $300,000.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale dhaleeceysay waqtiga la soo bandhigay gurigan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo aan waafaqsanayn duruufaha adag ee ay wajahayaan shacabka.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa u mahadceliyay dadkii ka qeyb-qaatay dhismaha, isagoo sheegay in ololahaasi uu muujinayo doorka ay muwaadiniintu ku leeyihiin dowladnimada.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.