Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mareykanka oo shaaciyay qorshe dhaqaale iyo damac aragti amni ku adan somaaliya

4-02-2026:Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay leedahay damac dhaqaale iyo aragti ku saleysan xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo sheegtay in hawlgallada milatari ee ay ka wado dalka ay kaalin ka qaadan karaan furitaanka fursado dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashi…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 4, 2026, 9:40 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka oo shaaciyay qorshe dhaqaale iyo damac aragti amni ku adan somaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 4-02-2026:Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay leedahay damac dhaqaale iyo aragti ku saleysan xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo sheegtay in hawlgallada milatari ee ay ka wado dalka ay kaalin ka qaadan karaan furitaanka fursado dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashi caalami ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Ku-xigeenka taliyaha AFRICOM, John Brennan, ayaa sheegay in amni darradu ay weli tahay caqabadda ugu weyn ee ka hor istaagta in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah iyo fursadaha ganacsi ee dalka yaalla. Wuxuu xusay in cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxaha hubeysan, oo ay ku jiraan faracyada Daacish iyo Al-Shabaab, uu yareyn karo khataraha amni, isla markaana ballaarin karo fursadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.

“Kheyraad dabiici ah ayaa ceegaaga Soomaaliya, balse xaaladda amni darro awgeed, Soomaalidu kama aysan faa’iideysan,” ayuu yiri Brennan, isaga oo intaas ku daray in indhaha lagu hayo macdanta qaaliga ah iyo rajada laga qabo sahminta shidaalka badda. Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku bixiyo xogta sirdoonka iyo taageerada cirka, halka ciidamada Soomaaliyeed ay fuliyaan hawlgallada dhulka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa, sida uu sheegay, dadaal ugu jira in amniga la sugo si loogu gogol xaaro horumarinta dekedaha, waddooyinka, iyo abuurista shaqooyin rasmi ah. Si kastaba, falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa ka digaya in horumar waara u baahan yahay sharciyo cad-cad, nidaamyo daah-furan oo qandaraasyada lagu bixiyo, iyo heshiisyo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan qeybsiga dakhliga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dalka u bandhigto fursado maalgashi, haddana weli waxaa taagan walaac la xiriira musuq-maasuq, awoodda hay’adaha dowladda, iyo khilaafaadka siyaasadeed ee saameeya kalsoonida maalgashadayaasha. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in horumarinta amniga ay abuuri karto dhaqdhaqaaq dhaqaale oo kaalin ka qaata xoojinta xasiloonida mustaqbalka fog.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.