Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan kasameeyay Muqdisho.

Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa saaka sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku duulayay joog hoose, taas oo laga arkayay qeybo ka mid ah caasimadda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 3, 2026, 2:29 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan kasameeyay Muqdisho.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa saaka sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku duulayay joog hoose, taas oo laga arkayay qeybo ka mid ah caasimadda.

Diyaaradahan casriga ah ayaa dhawaan Muqdisho keentay dowladda Turkiga, waxaana lagu arkayay iyagoo ay wehlinayaan diyaarado qumaatiga u kaca ah oo horey dalka loo keenay, kuwaas oo haatan ay ku shaqeeyaan Ciidamada Cirka Soomaaliya.

Dhoolatuskan ayaa waxaa qayb ka ahaa ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan Cirka, kuwaas oo wada-shaqeyn dhow la leh saraakiil Turkiga ka socda, sida ay sheegeen ilo amni. Tallaabadan ayaa muujinaysa heerka wada-shaqeyn ee sii kordhaya ee dhinaca tababarka iyo hawl-gallada cirka.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay Soomaaliya u soo dirtay saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dal.

Sidoo kale, Turkiga ayaa xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in maraakiibtaasi ay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta mashaariic la xiriira tamarta, xeryaha la dhisayo, iyo kaabayaasha istiraatiijiga ah.

Arrimahan ayaa lagu fasiray kuwo sii xoojinaya iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, xilli Ankara ay kordhinayso joogitaankeeda iyo doorkeeda gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.