• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo Laga Dalbaday inuu Raalligelin Bixiyo.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo Laga Dalbaday inuu Raalligelin Bixiyo.
Share

Wararka24: 3-02-2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga dalbaday inuu raalligelin ka bixiyo tallaabadii hawada loogu celiyay diyaarado siday ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, arrintaas oo dhalisay falcelin ballaaran oo ka timid bulshooyinka ku nool labada maamul.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Garoowe ayaa sheegay in go’aankaas uu muujinayo cadaadis lagu hayo Puntland, iyagoo xusay in xaaladdaasi ay sii fogeysay kalsoonidii u dhaxeysay dowladda Federaalka iyo Puntland. Dadkaasi waxay ku baaqeen in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uusan tegin Muqdisho inta uu dhammaanayo muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, odayaasha dhaqanka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada lagu hor istaagay ilaalada madaxweynaha, iyagoo ku tilmaamay mid halis amni abuureysa. Odayaashu waxay sheegeen in dowladda Federaalka looga baahan yahay inay si cad raalligelin uga bixiso dhacdadaasi ka hor inta aysan dib ugu laaban Muqdisho ciidamadii la celiyay.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, iyadoo weli laga sugayo dowladda Federaalka mowqif rasmi ah oo ku saabsan dalabyada loo jeediyay.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.