• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Siyaasiyiin taageeray go’aankii lagu hakiyay ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Siyaasiyiin taageeray go’aankii lagu hakiyay ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Share


Wararka24: 3-02-2026
:Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa taageero u muujiyay go’aankii lagu hakiyay gelitaanka ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la filayay inay ka qeyb galaan shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, balse dib loogu celiyay garoonka diyaaradaha.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay baahisay muuqaallo lagu difaacayo tallaabadaas, iyadoo la soo bandhigay masuuliyiin hore iyo kuwo xilal ka haya dowladda oo sheegay in amniga caasimadda uu yahay mid sugan, isla markaana aan loo baahnayn in hoggaamiyeyaasha kasoo qeybgala shirarka ay la yimaadaan ciidamo u gaar ah.

Farxaan Cali Axmed, Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in Muqdisho ay marayso marxalad amni oo wanaagsan, uuna amnigu gaaray heer aan horey loo arag. “Magaalada Muqdisho maanta maalin ay ka ammaan badan tahay nama soo marin, mana ah magaalo ilaalo loo soo kaxeysto,” ayuu yiri.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale baahisay hadallo ka yimid xubno ka tirsan golaha deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo sheegay in dowladda Federaalka ay xaqiijisay amniga caasimadda. Mid kamid ah xildhibaanadaas, Cabdiraxmaan Caseyr, ayaa sheegay in amniga Muqdisho yahay mid lagu kalsoonaan karo, isla markaana dowladda lagu ammaani karo dadaalka ay ka sameysay sugidda amniga.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla xarumaha dowladda ay xiran yihiin, iyadoo dood ka dhalatay habka loo maareeyay amniga iyo ka qeybgalka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee shirarka siyaasadeed.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.