• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Diyaaradihii siday ciidamada Jubbaland iyo Puntland oo dib loo celiyay.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Diyaaradihii siday ciidamada Jubbaland iyo Puntland oo dib loo celiyay.
Share

Wararka24: 1-02-2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa goordhow dib u celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Wararka24 u xaqiijiyay in Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya la siiyay amar toos ah oo lagu joojinayo diyaarad kasta oo sida ciidamo hubeysan oo kasoo duuleysa labadaas magaalo, iyadoo tallaabadan lagu sababeeyay arrimo la xiriira amniga qaranka.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan uu yimid kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay ku xadgudbeen habraacyadii amni ee horay loogu heshiiyay kulamadii guddiyada farsamada, kuwaas oo dhigayay in madaxweynada maamullada loo ogolaado tiro kooban oo ilaalo ah.

Sida ay ogaatay Wararka24, Dowladda Federaalka ayaa u ogolaatay mid kasta oo ka mid ah labada maamul in ay la yimaadaan 40 ilaa 50 askari oo ay ku jiraan ilaalo gaar ah, balse qodobkaasi ayaa la jabiyay kadib markii la soo diray ciidamo ka badan intii lagu heshiiyay, taas oo keentay in diyaaradaha dib loo celiyo.

Dhanka kale, waxaa haatan Muqdisho ka socda shir deg-deg ah oo u dhexeeya guddiyada farsamada ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland iyo Puntland, si xal looga gaaro arrintan, maadaama ay saameyn ku yeelan karto geeddi-socodka wada-hadallada siyaasadeed.

Illaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin dhinacyada Jubbaland iyo Puntland oo ku saabsan go’aanka dowladda dhexe ee la xiriira dib u celinta ciidamadooda.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland uga gaabsadeen inay tagaan Villa Somalia, iyagoo doorbiday in wada-hadalladu ka dhacaan goob ka baxsan madaxtooyada oo la isku halleyn karo.

Si kastaba ha ahaatee, Isniinta berri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo bilaabo wada-hadallada, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada qaranka, dagaallada ka dhanka ah argagixisada, iyo xaaladaha abaaraha.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.