Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Qorshaha Dhismaha iyo Hubeynta Ciidamada Awdal oo Dowladda Federaalka Shaacisay.

30-01-2026: Ilo-wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fiirsaneyso tallaabooyin siyaasadeed iyo amni oo ay kaga jawaabayso go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo qorshayaashu ay ku lug leeyihiin taageero loo fidin karo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 30, 2026, 11:07 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Qorshaha Dhismaha iyo Hubeynta Ciidamada Awdal oo Dowladda Federaalka Shaacisay.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 30-01-2026: Ilo-wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fiirsaneyso tallaabooyin siyaasadeed iyo amni oo ay kaga jawaabayso go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo qorshayaashu ay ku lug leeyihiin taageero loo fidin karo xoogag maxalli ah oo ka jira gobolka Awdal.

Sida ay sheegeen laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), qorshayaashan oo ay soo xigatay shabakad warbaahineed oo caalami ah ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin ka faa’iideysiga tabashooyinka beelaha ku nool Awdal, si cadaadis amni iyo mid siyaasadeed loogu saaro maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Ilo-wareedyadu waxay tilmaameen in qorshahan loo arko jawaab istiraatiiji ah oo ka dhalatay go’aankii 26-kii December ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Somaliland ugu aqoonsaday dal madax-bannaan, tallaabadaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Sida lagu sheegay xogaha la helay, Muqdisho ayaa doonaysa inay xoojiso doorka beelaha ku nool Awdal, oo ah gobol istiraatiiji ah kana tirsan waqooyiga-galbeed ee Soomaaliya, kuna dhow marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.

Mas’uul ka tirsan NISA oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in beelahaasi ay si taariikhi ah uga soo horjeedeen gooni-isu-taagga Somaliland, isla markaana ay u baahan yihiin taageero siyaasadeed iyo mid amni.

Xiisadda gobolka ayaa sii kordheysa, iyadoo 21-kii Janaayo ciidamada Somaliland ay sheegeen inay dileen laba nin oo hubeysan oo ku sugnaa Awdal. Dhanka kale, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqay maamul ay ugu magac dareen “Guban State,” kaas oo si cad uga hor imaanaya maamulka Hargeysa.

Falanqeeyayaal arrimaha gobolka ayaa aaminsan in Israa’iil ay Somaliland u aragto meel istiraatiiji ah oo ay uga faa’iideysan karto danaha amni ee la xiriira Badda Cas iyo la socodka dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen. Cilmi-baare Jethro Norman oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark ayaa sheegay in joogitaanka Israa’iil ee Somaliland uu u sahlayo hawlo sirdoon iyo saadka ciidan.

Dhinaca gobolka, khilaafkan ayaa kala qeybiyay dalalka dariska ah. Jabuuti ayaa la sheegay inay si diblomaasiyadeed ula safatay Muqdisho, halka Imaaraadka Carabta uu weli taageero siiyo Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan joojisay wada-shaqeyn milatari oo ay la lahayd Imaaraadka, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda.

Khubaro amni ayaa ka digaya in xaaladdan ay fursad u noqon karto kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in kororka dhaqdhaqaaqyada milatari iyo faragelinta shisheeye ay halis gelin karto xasilloonida waqooyiga dalka, oo muddo dheer ka mid ahaa deegaannada ugu nabada badan Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.