Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

29-01-2026 Ciidamada ammaanka iyo sirdoonka Turkiga (MIT) ayaa shaaciyay inay fashiliyeen shirqool basaasnimo oo halis ah, kaas oo la xiriiray sirdoonka Iran, kadib howlgal ballaaran oo laga fuliyay shan gobol oo dalkaas ka tirsan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 29, 2026, 4:05 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 29-01-2026 Ciidamada ammaanka iyo sirdoonka Turkiga (MIT) ayaa shaaciyay inay fashiliyeen shirqool basaasnimo oo halis ah, kaas oo la xiriiray sirdoonka Iran, kadib howlgal ballaaran oo laga fuliyay shan gobol oo dalkaas ka tirsan.

Sida uu qoray wargeyska Daily Sabah, lix qof ayaa la qabtay Arbacadii, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen ururinta xog xasaasi ah oo ku saabsan saldhigga cirka ee Incirlik ee gobolka Adana, oo ah xarun istiraatiiji ah oo si wadajir ah u maamulaan Turkiga iyo Mareykanka. Shabakadda la qabtay ayaa la sheegay inay hoggaaminayeen laba wakiil oo sirdoonka Iran ka tirsan, kuwaas oo magacyadooda loo yaqaanay “Haji” iyo “Doctor”.

Baaritaanno hordhac ah ayaa muujiyay in eedeysanayaashu ay qorsheynayeen inay sawirro iyo muuqaallo ka duubaan gudaha iyo hareeraha saldhigga Incirlik, iyagoo adeegsanaya farsamooyin basaasnimo. Shan ka mid ah dadka la qabtay ayaa u dhashay Turkiga, halka mid kalena uu yahay muwaadin Iiraani ah, waxaana lagu soo oogay dacwado la xiriira helitaanka xog sir ah oo dowladeed ujeeddo basaasnimo awgeed.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in qaar ka mid ah xubnaha shabakadda ay tababaro gaar ah oo ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ku soo qaateen gudaha Iran intii u dhaxaysay Agoosto iyo Sebtembar 2025. Sidoo kale, waxaa la ogaaday in shabakadda ay isku dayday inay drones hubeysan u dhoofiso Jamhuuriyadda Qubrus (Koonfurta), oo lagu tuhunsan yahay inay xarun u noqotay hawlgallada sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska xilliyadii dambe.

Mid kamid ah eedeysanayaasha u dhashay Turkiga ayaa qirtay in loo soo bandhigay qorshe lagu beegsanayo, laguna khaarajinayo mucaarad ku sugan Turkiga oo ka soo horjeeda nidaamka Iran.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Tehran. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu miiska saaray xulashooyin milatari, kadib caburinta xooggan ee ay Iran kula kacday dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo. Dhanka kale, Mareykanka ayaa xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe, iyadoo markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln uu gaaray biyaha gobolka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqir Ghalibaf, ayaa dhawaan ku hanjabay in Tehran ay qaadi karto weerarro ka hortag ah haddii ay dareento khatar soo fool leh, isagoo sheegay in dhammaan saldhigyada iyo maraakiibta Mareykanka ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameed “sharci ah”.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.