• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Spain Oo Sharci Deggenaansho Siineysa Kumannaan Muhaajiriin Ah, waxa ka Faa’iideysan Doona qar Soomaali.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Spain Oo Sharci Deggenaansho Siineysa Kumannaan Muhaajiriin Ah, waxa ka Faa’iideysan Doona qar Soomaali.
Share

Wasiirka Socdaalka dalka Spain, Elma Saiz, ayaa xaqiijisay in dowladda hantiwadaagga ah ee Spain ay soo saari doonto wareegto gaar ah oo sharci deggenaansho lagu siinayo kumannaan muhaajiriin ah, taas oo aan u baahnayn ansixinta Baarlamaanka.

Wareegtadan cusub ayaa quseyn doonta muhaajiriinta aan wax dambiyo ah ku lahayn dalka, gaar ahaan kuwa yimid Spain ka hor bilowgii sannadka 2026, isla markaana ku noolaa dalka in ka badan shan bilood ilaa 31-ka December 2025.

Mas’uuliyiinta Spain ayaa sheegay in tallaabadan lagu doonayo in lagu fududeeyo is-dhexgalka bulshada, lagu xoojiyo xuquuqda aadanaha, isla markaana muhaajiriinta loogu oggolaado ka qeybqaadashada dhaqaale ee dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo dalkeenna u gaar ah,” ayay tiri Wasiir Elma Saiz, iyadoo intaa ku dartay in dowladdu ay dhiseyso nidaam socdaal oo ku saleysan xuquuqda aadanaha, wada-noolaanshaha iyo is-ixtiraamka bulshada.

Soomaali badan oo ku nool dalka Spain ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan go’aankan, gaar ahaan kuwa aan weli haysan sharci deggenaansho rasmi ah. Qaar kamid ah Soomaalida ayaa dalkaas ku galay si sharci darro ah, halka kuwo kalena ay horey u heleen sharciyo ku-meel-gaar ah.

Maxamed Cibaar Diiriye, oo ku nool magaalada Madrid, ayaa u sheegay BBC-da in muhaajiriin badan oo Afrikaan ah oo ku sugan Spain aysan sharci haysan, balse wareegtadan ay fursad u siin doonto inay si rasmi ah uga shaqeystaan dalka oo ay helaan nolol deggan.

Cibaar ayaa xusay in Soomaalida ku nool Spain ay ka mid yihiin muhaajiriinta si weyn uga faa’iideysan doona tallaabadan, maadaama intooda badan ay dalka kusoo galeen dhinaca badda, isla markaana ay muddo ku noolayeen xaalad sharci la’aan ah.

“Arrintan waa mid aad loo sugayay,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in muhaajiriinta hadda heli doonaan fursado shaqo, adeegyo bulsho, iyo ka mid noqoshada nidaamka rasmiga ah ee dalka Spain.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.